DEG-DEG: Kooxaha Juventus, Inter Iyo Milan Oo Soo Jeediyay Qorshe Lagu Yaraynayo Kooxaha Ka Ciyaara Horyaalka Talyaaniga, Sabab.

Waxaa jira warar sheegaya in saddexda kooxood ee Juventus, Inter iyo Milan ay door bidayaan in Serie A laga dhigo 18 kooxood halka ay haatan yihiin 20 kooxood.

Soo jeedinta waxaa xusay madaxa FIGC Gabriele Gravina taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta ballaaran ee lagu beddelayo kubbadda cagta Talyaaniga oo laga dhigo mid waara.

Lega Serie A iyo inta badan naadiyada hadda ku lugta leh ayaa ka soo horjeeda fikradda, laakiin xukunka sinnaba ma aha mid loo dhan yahay.

Sida ay sheegayaan wararka, Juventus, Inter iyo Milan ayaa soo bandhigay qorshaha intii lagu jiray shirweynaha maanta ee kooxaha Serie A iyaga oo doonaya in laga dhigo 18 kooxood.

Arintan ayaa hoos u dhigaysa kulamada ay ciyaaraan kooxaha talyaaniga xilli ciyaareedka halka ay sidoo kale heli doonaan lacag ka badan mida ay haatan helaan.

Horyaalka talyaaniga ayaa 16 kooxood ahaa xilli ciyaareedkii 1967/1688 ka hor inta aan 18 kooxood laga dhigin 1988 iyada oo ugu dambayn 20 kooxood laga dhigay 2004.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga