Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamo xiiso leh oo pemier League la ciyaaray bartamihii iyo bilowgii todobaadka.

Shabakada BBC Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican labadii wareeg ee ugu dambeeyay ee la ciyaaray premier Legaue.

Liverpool ayaa ka badisay Chelsea ka hor inta ayna Arsenal ka badin Liverpool kulamadii la ciyaaray.

Man United ayaa iyadu laba kulan oo xidhiidh ah gaadhay sidoo kale halka ay Man City soo yaraysay dhibcihii ay ka dambaysay hogaamiyayaasha.

Kadib kulamada waxa la soo saaray shaxda ugu fiican iyada oo la qiimaynayo kulaamdii la ciyaaray maalmihii ugu dambeeyay.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib laba guul oo xidhiidh ah.

Kooxaha Wolvs Newcastle, Liverpool, Man City, Aston Villa, Lutton, Crystal Palace iyo Tottenham ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Garth Crooks' team of the week

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga