Arsenal oo xiisaynaysa Rio Ngumoha iyadoo Liverpool doonayso inay sii haysato xiddiga da’da yar

Arsenal ayaa indhaha ku haysa garabka da’da yar ee Liverpool, Rio Ngumoha, iyadoo wada-hadallada ku saabsan heshiis cusub oo uu ciyaaryahanku la galo Liverpool ay weli socdaan, Ngumoha oo 18 jir ah ayaa tan iyo xilli ciyaareedkii hore sameeyay horumar degdeg ah, waxaana Liverpool ay u aragtaa ciyaaryahan mustaqbalka noqon kara xiddig heer caalami ah.

Sida warbixintu sheegtay, Arsenal ayaa si dhab ah ula socota xaaladda ciyaaryahanka, iyadoo sidoo kale Bayern Munich ay xiisaynayso, Si kastaba ha ahaatee, xiisaha Arsenal weli ma gaarin heer wada-hadal rasmi ah ama dalab, balse kooxda waqooyiga London ayaa si dhow ula socota horumarka Ngumoha.

Arsenal ayaa la sheegay inay tallaabo qaadi karta haddii ciyaaryahanku uusan helin daqiiqado badan oo kooxda koowaad ah xilli ciyaareedkan, Liverpool ayaa dhankeeda si cad u muujisay inaysan doonayn inay iska iibiso Ngumoha, iyadoo kooxda ay aad u qiimeyso kartidiisa, Heshiiska hadda uu ciyaaryahanku kula jiro Liverpool wuxuu dhacayaa 2028, kaddib markii uu bishii September ee sanadkii hore saxiixay heshiiskii ugu dheeraa ee xilligaas loo oggolaanaa.

Inkasta oo Liverpool ay dooneyso inay u diyaariso heshiis cusub oo mushahar iyo shuruudo ka wanaagsan, haddana warbixintu waxay sheegaysaa inaysan weli jirin horumar rasmi ah oo ku saabsan heshiiska cusub.

Ngumoha wuxuu xilli ciyaareedkan wajahaya tartan adag oo ku saabsan boosaska weerarka Liverpool, gaar ahaan kaddib markii kooxda ay lasoo saxiixatay Victor Muñoz iyo Bradley Barcola.

Si kastaba, Liverpool waxay ku kalsoon tahay in Ngumoha uu heli doono fursado uu isku muujiyo xilli ciyaareedkan, iyadoo maamulka kooxda iyo tababaraha cusub Andoni Iraola ay u arkaan qayb muhiim ah oo mustaqbalka kooxda ah.

Inkasta oo uu ogyahay xiisaha uga imaanaya Arsenal, Bayern Munich iyo kooxo kale, haddana warbixintu waxay sheegaysaa in Ngumoha uu ku faraxsan yahay Liverpool isla markaana uusan hadda muujin doonin rabitaan uu kaga tagayo Anfield.

Liverpool ayaa sidoo kale rumaysan in ciyaaryahankii hore ee akadeemiyadda Chelsea uu mustaqbalka noqon karo xiddig heer caalami ah, waxaana kooxda ka go’an inay sii haysato wixii ka dambeeya 2028.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga