Tababaraha Hansi Flick ayaa ka hadlay bandhiggii FC Barcelona ay ka sameysay kulankii Racing Santander, kaddib markii Barcelona ay 7-2 ku garaacday kooxda Racing kulan ka tirsanaa wareegga 6-aad ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/2027, Barcelona ayaa ciyaarta ku qabatay garoonkeeda Spotify Camp Nou, waxaana guushan ay kooxda ka caawisay inay sii haysato hoggaanka horyaalka iyadoo leh 18 dhibcood oo buuxa, saddex dhibcoodna ka horreysa Real Madrid.
Flick ayaa shirkii jaraa’id kaddib ciyaarta sheegay in kooxdu aysan ku ekaan doonin natiijada wanaagsan, balse ay tahay inay si joogto ah u horumariso ciyaarteeda, Wuxuu yiri: “Horumarka kooxda wuxuu la mid yahay nolosha, mar walba waa inaad horumarisaa oo aad wax ka sii wanaajisaa. Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, natiijada aan ka hadlayno ha noqotee.”
Tababaraha reer Germany ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay kooxdu u ciyaarayso, isagoo xusay in ciyaartu ay tahay mid daawadayaasha ka farxisa, balse muhiimadda ugu weyn ay tahay in ciyaartoydu ay diiradda ilaaliyaan xaalad kasta iyo baas kasta.
Flick ayaa sidoo kale amaanay Racing Santander, isagoo sheegay in guusha Barcelona aysan ahayn mid si fudud lagu helay:- “Waan jeclahay qaabka aan u ciyaareyno, waana ciyaar daawadayaasha madadaalisa. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaan diiradda saarno xaalad kasta oo ciyaarta ah iyo baas kasta.”
Wuxuu intaas ku daray:- “Racing ma ahayn koox fudud. Waxay ciyaaraan kubbad wanaagsan, waxayna jecel yihiin inay kubbadda haystaan. Waxaan u maleynayaa inaan u qalannay natiijadan.”
Markii wax laga weydiiyay goolhayayaasha kooxda, Flick wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay Wojciech Szczęsny, inkastoo uu qalad sameeyay kulanka:- “Waxaan dareemayaa deganaan marka Szczęsny uu ciyaarayo. Wuu qalday, laakiin dhammaanteen waan qaldannaa.”
Dhanka kale, Flick wuxuu sheegay in goolhayaha Joan García uu qabo dhibaato jilibka ah, sidaas darteedna kooxda ay qiimeyn doonto xaaladdiisa maalinta xigta.
Barcelona ayaa si xooggan ku bilowday xilli ciyaareedka, balse Flick wuxuu ka digay in guulaha bilowga aysan ahayn waxa kaliya ee muhiimka ah:- “Waa wax wanaagsan inaan si xooggan ku bilowno, laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaan si wanaagsan ku dhammaanno.”
Flick ayaa sheegay in Barcelona ay kalsooni ku qabto awoodeeda, isla markaana waxa uu doonayo ay yihiin cadaadis, xawaare iyo xoog ciyaareed.
Wuxuu yiri:- “Waxaan ku jirnaa waqti wanaagsan marka la eego heerka ciyaarta. Waxaan rabnaa inaan kulankasta badino, inkastoo aysan taasi fududaan doonin.”
Tababaraha Barcelona ayaa sharaxay falsafadda uu doonayo in kooxdiisu ku ciyaarto:- “Taasi waa maskaxdeena. Sidaas ayaan rabnaa inaan u ciyaarno oo aan natiijooyinkan oo kale ku gaarno. Haddii aan kubbadda lumino, waa inaan si degdeg ah u soo ceshannaa.”
Tani waxay muujinaysaa muhiimadda uu Flick siinayo cadaadiska degdegga ah iyo dib-u-soo-celinta kubbadda marka Barcelona ay lumiso possession-ka.
Flick ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay Karim Adeyemi, isagoo sheegay in kubbadda cagtu tahay ciyaar kooxeed, isla markaana waxa ugu muhiimsan uu yahay kooxda oo dhan:- “Kubadda cagtu waa ciyaar kooxeed. Kooxda ayaa ah waxa ugu muhiimsan, taas ayaana ah waxa aan ka doonayo ciyaartoyda.”
Flick ayaa sheegay in Adeyemi uu wax badan ku biirinayo kooxda, isla markaana uu haysto fursad uu si buuxda ula qabsado falsafadda Barcelona:- “Wuxuu wax badan noo qabanayaa, sida aan maanta aragnay. Wuxuu leeyahay xawaare aad u weyn.”
Flick ayaa sidoo kale sheegay in Adeyemi uu helay taageerada taageerayaasha Barcelona oo dhan, isla markaana uu yahay ciyaaryahan ay saaxiibbadiis ku jecel yihiin qolka labiska.
Be the first to comment