Goolhayaha Barcelona, Joan García, ayaa baaritaanno caafimaad loo sameeyay kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii ay Barcelona 7-2 kaga adkaatay Racing Santander ee ka dhacay garoonka Camp Nou, Baaritaannadii la sameeyay subaxnimadii Khamiista ayaa muujiyay in García uu qabo xanuun yar oo ka dareemaya jilibka midig, iyadoo dhakhaatiirtu ay meesha ka saareen dhaawac halis ah.
Barcelona ayaa warbixinteeda caafimaad ku sheegtay in xaaladda goolhayaha ay wanaagsan tahay, balse aan weli la xaqiijin karin inuu diyaar u noqon doono kulanka soo socda. Go’aanka waxaa lagu salayn doonaa sida uu uga soo kabsado xanuunka.
Joan García ayaa dhaawaca dareemay intii uu socday kulankii Barcelona iyo Racing Santander, Goolhayaha ayaa ka baxay goolka si uu kubad u soo qabto, balse roob xooggan oo ka da’ayay Catalonia ayaa sababay inuu si lama filaan ah u siibto, Inkasta oo uusan dhulka si buuxda ugu dhicin, haddana dhaqdhaqaaqii jilibkiisa ayaa noqday mid aan caadi ahayn, waxaana ugu dambeyn lagu qasbay inuu ciyaarta ka maqnaado qeybtii labaad, Wojciech Szczęsny ayaa markaas loo soo geliyay inuu ilaaliyo goolka Barcelona.
Barcelona ayaa hadda wajihi doonta kulan ka dhacaya Ramón Sánchez Pizjuán, waxaana kulankaas ay ka harsan yihiin qiyaastii 48 saacadood, Tababare Hansi Flick ayaa la filayaa inuusan halis gelin Joan García haddii uusan boqolkiiba boqol diyaar u ahayn, gaar ahaan iyadoo xilli ciyaareedka uu weli dheer yahay iyo fasaxa xulalkana uu soo dhow yahay.
Warbixinta caafimaadku waxay sidoo kale caddeysay in jilibka midig ee García uu yahay kan hadda xanuunku ka hayo, halka lugta uu dhaawacu ka gaaray aysan ahayn tii uu qaliinka ku maray xilli ciyaareedkii hore.
Be the first to comment