Mbappé oo amaan aan caadi aheyn kala dul dhacay Mourinho, kana hadlay sida uu uga duwan yahay tababarayaasha kale

Xiddiga kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa si weyn u amaanay tababarihiisa José Mourinho, isagoo tilmaamay in tababaraha reer Portugal uu leeyahay astaamo iyo xirfado ka soocaya tababarayaasha kale, Mbappé ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga hoos ciyaaraya Mourinho, kaas oo dib ugu soo laabtay tababarka Real Madrid muddo labaad, kadib markii kooxda reer Spain ay la saxiixatay heshiis saddex sano ah oo soconaya ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2028/29.

Real Madrid ayaa bilow wanaagsan ku sameysay xilli ciyaareedka iyadoo Mourinho hoggaaminayo. Kooxdu waxay kaalinta labaad kaga jirtaa La Liga, iyadoo haysata 15 dhibcood oo ay ka soo urursatay shan guul iyo hal guuldarro, waxaana saddex dhibcood ka horreysa Barcelona oo leh 18 dhibcood.

Sidoo kale, Real Madrid ayaa si wanaagsan ku furtay ololaheeda Champions League, kadib markii ay kulankii ugu horreeyay ee heerka horyaalka 2-1 kaga adkaatay Inter Milan.

Mbappé oo waraysi siiyay wargeyska AS ayaa si gaar ah uga hadlay Mourinho, wuxuuna yiri:- “Mourinho runtii waa shaqsi aan caadi ahayn. Waa mid ka mid ah dadka ugu caqliga badan ee aan nolosheyda la kulmay. Wuxuu si wanaagsan u yaqaannaa sida loo tababaro iyo sida loola macaamilo ciyaartoyda, Waa hoggaamiye dhab ah.”

Dhanka kale, Mbappé ayaa sanadkan doonaya inuu ku guuleysto Ballon d’Or, waxaana uu tartanka kula jiraa ciyaartoy badan oo ay kamid yihiin xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, Mbappé ayaa horey u sheegay inuu aaminsan yahay inuu u qalmo abaalmarinta, isagoo xitaa tilmaamay inuu isagu naftiisa u codeyn lahaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga