Arsenal Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Dhigeen 20 Sano Ka Hor.

Arsenal ayaa isku dayi doonta in ay bar-barayso qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee ay ku jirtay labaatankii sano ee la soo dhaafay marka ay u safarto Manchester City galabnimada Axada.

Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan ku jirta sideedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku badisay horyaalka,waxana ay dhaliyeen 33 gool,waxana Laga dhaliyay afar Gool Oo kaliya.

Rikoodhkaasa yaa ku bilowday kulankoodii ugu horeeyay ee 2024 oo ay la ciyaareen Crystal Palace bartamihii bishii January, ka dib markii laga badiyay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee 2023.

Arintaas ayaa la macno ah in ay Arsenal gashay fasaxii caalamiga iyaga Oo farqiga goolasha ku hogaaminaya horyaalka.

Tan iyo xilli ciyaareedkii 2003-04 Arsenal ayaan badin 9 kulan Oo xidhiidh ah premier league laakiin waxa ay fursad u haystaan in ay sidaas sameeyaan kulanka City.

Kaliya 3 mar ayay Arsenal badisay 9 kulan Oo xidhiidh ah premier league dhamaantoodna waxa ay ku guulaysteen horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga