Arsenal Oo Horumar Ka Samaysay Dadaalada Ay Ku Doonayso Saxiixa Riccardo Calafiori.

Arsenal ayaa horumar ka samaysay baacsiga ay ugu jirto saxiixa daafaca Bologna ee Riccardo Calafiori.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa horey heshiis shaqsi ah ula gaaray Gunners, waxaana haatan heer gabo gabo ah uu marayaa wadahadalada labada kooxood.

Labada kooxood ayaa la rumaysan yahay in ay heshiis ka gaadheen qiimaha lagu iibinayo xiddiga daafaca ka ciyaara.

Hadda Bologna waa inay soo gabagabayso shuruudaha lacag bixinta ee ay kula heshiisay kooxda reer Switzerland ee FC Basel, kuwaas oo xaq u leh 50% lacagta lagu iibinayo xiddiga kadib markii ay shardi ku xidheen heshiiska.

Arsenal ayaa u duuleysa dalka Mareykanka maalinta Axada ah si ay uga qayb gasho kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Dhinaca kale Bologna ayaa u safri doonta Spain halkaas oo ay isku diyaarintooda kaga qayb gali doonaan magaalada Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga