
Gabriel Jesus iyo Emile Smith Rowe ayaa laba gool ka caawiyay Arsenal inay 2-0 ku garaacdo Leyton Orient kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Sobha Realty.
Martin Odegaard, Ben White, Jurrien Timber iyo Fabio Vieira ayaa dhamaantood qeyb ka ahaa kooxdii ka hortimid kooxda League One.
Sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ee kooxda waxana uu ahaa kulan ayna ka qayb ahayn xiddigihii ciyaaray tartamadii Euro iyo Copa America.
Jesus ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee hogaanka ugu dhiibay Arsenal halka uu Smith Rowe dhaliyay goolka kale qaybtii dambe kadib markii uu badal ku soo galay.
Arsenal ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay aado dalka America oo ay kaga qayb gali doonaan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment