Arsenal ayaa si dhow isha ugu heysay xaalada qalafsan ee qandaraaska Ronald Araujo ee Barcelona, waxaana ay diyaarinayaan dalab qaali ah oo ay ku doonayaan daafacaan bishaan January.
Araujo ayaa ku qaadanaya Barcelona xilli ciyaareedkii 5-aad oo buuxa kadib markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2018.
Waqtigaas, Araujo wuxuu u saftay in ka badan 150 kulan tartamada oo dhan Barca, isagoo ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato horyaalka La Liga 2022/23, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.
Araujo ayaa ka soo laabtay dhaawac halis ah oo soo gaaray todobaadkii hore si uu u soo muuqdo kulankiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan kulankii ay Barca u safartay Barbastro, isagoo ciyaaray 90kii daqiiqo ee ciyaarta iyagoo ku badiyay 4-0.
Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo, Arsenal ayaa diyaarinaysa dalab aad u sareeya oo y ku doonayso saxiixa xiddiga.
Be the first to comment