Arsenal, Liverpool Mise Man City? Paul Merson Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League.

Paul Merson ayaa shaaca ka qaaday cida uu aaminsan yahay in ay ku guulaysan doonto horyaalka Premier league xilli kooxaha Arsenal,Liverpool iyo Manchester City ay u dagaalamayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen horyaalka.

Liverpool ayaa la ciyaaraysa kooxda ay xafiiltamaan ee Man United maanta waxana ay u baahan yihiin ay u jawaabaan Arsenal iyo Man City oo guulo gaadhay.

Tartanka ayaa ku jira gacanta Liverpool iyaga oo doonaya in ay ku macasalaameeyaan Klopp oo ka tagaya dhamaadka xilli ciyaareedka.

Isagoo shaaca ka qaaday saadaasha tartanka horyaalka, Merson ayaa u sheegay Sky Sports”Waxa aan odhan karaa waa tartankii ugu fiicnaa ee aan arko, Saddex kooxood ayaa ku tartamaya horyaalka iyada oo bil ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka”.

“Hadii aad 100 qof waydiiso saadaashooda waxa ay dhamaantood u qaybsami doonaan 30-30-40”.

“Waa tartan adag, hadii ay hal koox badin waydo way hadhaysaa, haadtan waxa aan qabaa in ay Liverpool ugu cad-cadahay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga