Wakhtiga Ay Liverpool Dhamaystirayso Badalka Jurgen Klopp Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto badalka Tababare Jurgen Klopp.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Klopp ayaa shaaciyay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa badalka Klopp u calaamadsatay tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim kaas oo ay u arkaan badalka Klopp ee mustaqbalka fog.

Sida laga soo xigtay Saxafiga Pedro Sepúlveda, Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto heshiiska Badalka Klopp.

Pedro Sepúlveda Ayaa sheegay in ay Liverpool doonayso in ay dhamaystirto saxiixa Tababare Ruben Amorim todobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga