Trent Alexander-Arnold ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sida uu weli u dareemayo aflagaadada iyo canaanta qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool, inkastoo ay kasoo wareegtay 14 bilood markii uu ka tagay kooxda kuna biiray Real Madrid.
Ciyaaryahanka reer England ayaa sheegay inuu fahmayo sababta taageerayaasha Liverpool ay uga niyad-jabeen go’aankiisii uu kooxda kaga tagay, balse wuxuu rajeynayaa in maalin uun ay fahmi doonaan sababihii uu go’aankaas u qaatay:- “Waan fahmi karaa caro iyo niyad-jabka taageerayaasha”
Arnold ayaa sheegay inuu awood u leeyahay inuu dulqaato buuqa iyo niyad-jabka taageerayaasha Liverpool, laakiin waxa uu rajeynayaa in mustaqbalka ay taageerayaashu si ka wanaagsan u fahmaan go’aannadii uu ka qaatay noloshiisa iyo xirfaddiisa.
Wuxuu sheegay in waxa ugu badan ee isaga xanuujiya aysan ahayn oo keliya in taageerayaashu ka caroodeen bixitaankiisa, balse ay tahay in mararka qaar la ilaawo waxyaabihii uu Liverpool u qabtay muddadii dheer ee uu kooxda ku jiray:- “20 sano ayaan Liverpool wax u hurayay”
Daafaca 27-jirka ah ayaa sheegay in arrintani si gaar ah u dhaawacayso, maadaama uu qiyaastii 20 sano ku qaatay Liverpool, isagoo kooxda kusoo biiray isagoo da’yar kana soo baxay akadeemigeeda.
Arnold wuxuu tilmaamay inuu muddadaas u huray waqti badan, dadaal iyo naf-hurnimo, sidaas darteedna ay ku adag tahay inuu arko in dhammaan wixii uu kooxda u qabtay lagu illoobo hal go’aan oo uu kaga tagay Liverpool.
Anfield oo markii uu kusoo laabtay jawi kulul noqday, Ku soo laabashadii Alexander-Arnold ee Anfield, isagoo xiran funaanadda Real Madrid, ayaa ahayd mid muran iyo xiisad badan xambaarsan.
Markii Real Madrid ay Liverpool kula ciyaartay Champions League bishii November ee sanadkii hore, Arnold wuxuu la kulmay buuq iyo oorin kaga timid qaar ka mid ah taageerayaasha kooxdiisii hore, Real Madrid ayaa kulankaas looga adkaaday 1-0, waxaana muuqaalka Arnold ee Anfield uu noqday mid si weyn looga hadal hayo isagoo yiri :- “Waxa internetka ka dhacaya kama tarjumayo dadka Liverpool”
Si kastaba ha ahaatee, Arnold wuxuu sheegay in waxa uu baraha bulshada ku arko ay aad uga duwan yihiin sida dadka Liverpool ula dhaqmaan marka uu noloshiisa caadiga ah magaalada ku booqdo, wuxuu sheegay inuusan la kulmin isla nooca aflagaadada ah marka uu Liverpool booqdo ama uu la kulmo qoyskiisa, saaxiibbadiis iyo dadka uu yaqaan.
Arnold wuxuu yiri: “Wax kasta oo aan noloshayda gaarka ah kula kulmay kama tarjumayaan waxa aad internetka iyo baraha bulshada ku aragto.”, Aflagaadada internetka: “Waa qayb murugo leh oo nolosheyda 2026 ah”
Arnold wuxuu sidoo kale ka hadlay farriimaha xun ee uu ka helo internetka, wuxuu sheegay in aflagaadada internetka ay noqotay “qayb murugo leh oo ka mid ah nolosha 2026”, isagoo xusay in qaar ka mid ah farriimaha loo soo diray ay dhaafeen xadka dhaleeceynta kubadda cagta oo ay isu beddeleen weerar shaqsiyeed.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in aflagaadada noocaas ah aysan matalin Liverpool ama magaalada Liverpool,ciyaaryahanku wuxuu sheegay inuu kala saari karo caro dabiici ah oo taageerayaashu ka qabaan bixitaankiisa iyo aflagaadooyinka ka gudba xadka kubadda cagta.
Alexander-Arnold wuxuu Liverpool ka tagay xagaagii hore, kadib markii uu ku qaatay kooxda ku dhawaad 20 sano.
Wuxuu go’aansaday inuu bilaabo marxalad cusub oo xirfaddiisa ah, isagoo si xor ah ugu biiray Real Madrid.
Hadda, 14 bilood kadib bixitaankiisii, Arnold wuxuu qirtay in hadallada iyo aflagaadada qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool ay weli qalbigiisa xanuujiyaan, laakiin wuxuu rajeynayaa in mustaqbalka ay taageerayaashu fahmi doonaan sababta uu u qaatay go’aankii uu kaga tagay kooxda uu kusoo barbaaray.
Be the first to comment