
Alan Shearer ayaa aaminsan in Arsenal ay soo gabagabeyn karto 20-sano oo ay sugeysay hanashada horyaalka Premier League hadii ay sameyso saxiix kale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Gunners ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ee Premier League, iyadoo Mikel Arteta uu dib ugu soo celiyay kooxaha u tartamaya horyaalka, lakiin ma awoodin inay ku garaacaan Man City hanashada horyaalka.
Laakiin ka dib saxiixyadii lacagihii badnaa ee Declan Rice iyo Kai Havertz xagaagii hore, Arsenal ayaa suuqa ku jirta xagaagan.
Riccardo Calafior ayaa Arsenal kaga soo biiray Bologna halka David Ryaa uu si toos ah ugu biiray kooxda.
Su’aal ayaa laga keenayaa dookha weerarka ee kooxda Arsenal iyada oo Gabriel Jesus dhaawac ku dhibaatooday xilli ciyaareedkii hore.
Alan Shearer ayaa rumaysan in ay Arsenal boos fiican ugu jirto ku guulaysiga premier League hadii ay la soo saxiixdaan weeraryahan suuqa xagaagan.
“Waxa aan qabaa in uu noqon doono tartan adag xilli ciyaareedkan”ayuu yidhi.
“Waxa aan qabaa in ay tartami doonaan kooxihii inta badan tartami jiray kuwaas oo lacag fiican suuqa galiyay meel fiicana is dhigay”.
“Wali wax badan ayaa ka dhici kara suuqa kala iibsiga, hadii ay Arsenal la soo saxiixatay weeraryahan weyn, waxa aan qabaa in ay kor u qaadayso fursadooda horyaalka”.
Be the first to comment