Alan Shearer: Haatanba Waa La Go’aamiyay Mustaqbalka Ten Hag.

Alan Shearer ayaa aaminsan in Manchester United ay mar hore go’aansatay inay ceyriso Erik ten Hag wuxuuna sheegay in xitaa ku guuleysiga FA Cupka aysan badbaadin doonin shaqadiisa Old Trafford.

Man United ayaa ka badbaaday lama filaan kadib markii ay rikoodhayaal kaga badisay Coventry City kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Man United ayaa u muuqatay kuwo si fudud isaga xaadirinaya final-ka FA Cup-ka laakiin kooxda Coventry ayaa soo laabasho cajiib ah samaysay iyaga oo ku qasbay United in ay rikoodhayaal gaadho.

Shearer ayaa sheegay in uuna tababare Ten Hag sii ahaan doonin tabababraha Man United xitaa hadii ay kooxdu ku guulaysato FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

“Waxay ila tahay in mustaqbalka tababaraha Manchester United uu yahay mid mar hore la go’aamiyay”ayuu Shearer yidhi.

“Uma malaynayo in ay muhiim tahay ku guulaysiga FA Cup-ka, mustaqbalkiisa waa uu cad yahay waxan dareemayaa in la caydhin doono xitaa hadii ay kooxdu ku guulaysato FA Cup-ka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga