Muxuu Xavi Hernandez Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Kala Kulantay Real Madrid.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez, ayaa xaqiijiyay inay kooxdiisu xaq u lahaayeen in ay badiyaan kulankii El Clásico ee ay la ciyaarayaan Real Madrid, isagoo xusay inay ceeb tahay wixii ka dhacay kulankaas dhinaca garsooraha.

Kooxda Barcelona ayaa guuldarro kala kulantay kooxda Real Madrid daqiiqadihii ugu dambeeyay kulan oo ka tirsanaa wareegga 32-aad ee horyaalka Spain.

Xavi Hernandez ayaa hadlay ka dib markii ay ciyaartu dhamaatay, isagoo leh, “Ciyaarta aan ciyaarnay, waxa caadiga ah waa inaan badino si ka fiican Real Madrid kulankii Bernabéu.”

Waxa uu intaa ku daray, “Waa inaan u sheegnaa taageerayaasha inaan si fiican u ciyaarnay maanta, waxaana u qalanay seddexda dhibcood.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga