Samuel Umtiti oo u saadaaliyay Laacibka ku guuleysanaya Ballon d’Or 2026

Samuel Umtiti, xiddigii hore ee xulka qaranka Faransiiska iyo Barcelona, ayaa sheegay in Kylian Mbappé uu mudan yahay abaalmarinta Ballon d’Or, isaga oo sabab uga dhigay qaab ciyaareedkiisa iyo goolasha badan ee uu dhaliyay, Umtiti ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu wargeyska Catalonia ee Sport kasoo xigtay, isaga oo ka hadlayay ciyaaryahanka uu u arko inuu ku guuleysan karo abaalmarinta Ballon d’Or.

Umtiti ayaa yiri:- “Waxaan idiin sheegayaa qofka ugu fiican. Kylian wuxuu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah” , Waxa uu intaas ku daray in Mbappé uu goolal badan u dhaliyay kooxdiisa iyo xulka qaranka Faransiiska, isagoo sidoo kale xusay Jude Bellingham oo uu sheegay inuu wax wanaagsan ka qabtay xulkiisa intii lagu jiray Koobkii Adduunka.

Umtiti ayaa hadalkiisa ku soo xiray isagoo yiri:“Anigu waxaan ahay Faransiis, sidaas darteed waxaan dooranayaa Kylian.”

Umtiti ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii Derby-ga Madrid ee dhex maray Real Madrid iyo Atlético Madrid, kaas oo Atlético ay 2-1 ku badisay, Waxa uu sheegay in kulamada noocan oo kale ah ay ku abuuraan rabitaan uu mar kale garoomada ugu soo laabto.

“Tan iyo markii aan ciyaaraha ka fariistay, ma aanan dareemin rabitaan sidan u xooggan oo aan ku doonayo inaan ciyaaro. Laakiin kulamada noocan oo kale ah waxay iga dhigayaan inaan doonayo inaan kusoo laabto garoonka oo aan la ciyaaro saaxiibbaday”, Umtiti ayaa sidoo kale amaanay jawiga garoonka Atlético Madrid, isaga oo sheegay inuu ahaa mid cajiib ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga