Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si weyn uga hadlay xiddiga da’da yar ee Max Dowman kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyay kulankii Arsenal ay 4-2 kaga adkaatay Ipswich Town ee Carabao Cup.
Dowman oo 16 jir ah ayaa kulankaas dhaliyay laba gool, isagoo sidoo kale door muuqda ku lahaa weerarka Arsenal. Bandhiggiisa ayaa markale muujiyay sababta loogu tixgelinayo mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu xiisaha badan kooxda.
Arteta ayaa sheegay in inkastoo Dowman uu leeyahay karti aad u weyn, haddana Arsenal ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta iyo horumarinta ciyaaryahanka.
Arteta ayaa yiri: “ , iyadoo dalabaadka iyo cadaadiska ay balaaranyihiin, & ciyaartoyda oo wax walba ku hareeraysanyihiin, waa inaan ilaalinaa ciyaartoy sida Max Dowman.”
Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale amaanay heerka uu Dowman gaaray, isagoo tilmaamay in ay tahay wax aad u wanaagsan in la arko ciyaaryahan da’yar oo awood u leh inuu ciyaar noocaas ah soo bandhigo.
Arteta wuxuu yiri: “Heerka Max waa mid aad u farxad geliya. Waa wax cajiib ah in la awooddo in la arko ciyaar sidan oo kale ah. Waxaan leenahay ciyaartoy kubadeed oo mustaqbal weyn leh.”
Arteta ayaa sidoo kale hore uga digay in Dowman si xad-dhaaf ah loogu cadaadin, isagoo carrabka ku adkeeyay in 16-jirka loo baahan yahay in lagu soo daro kulamada isagoo haysta diyaar-garowga iyo xaaladda saxda ah.
Bandhigga Ipswich wuxuu Dowman geliyay koox yar oo taariikhi ah. Labadiisa gool waxay ka dhigeen 16-jirkii labaad ee ciyaaryahan Premier League ah oo laba gool ka dhaliya hal kulan oo League Cup ah, isagoo ku biiray Wayne Rooney oo sidaas sameeyay 2002, Arsenal ayaa sidaas ku gaartay wareegga xiga ee Carabao Cup, iyadoo Arteta uu fursad siiyay ciyaartoy badan oo da’yar, Dowman ayaa noqday xiddigii kulanka, waxaana bandhiggiisu sii kordhiyay hadal-heynta ku saabsan mustaqbalka uu ku yeelan karo kooxda koowaad ee Arsenal.
Arteta, si kastaba ha ahaatee, wuxuu muujiyay in Arsenal aysan doonayn inay si degdeg ah u gubto ciyaaryahankeeda da’da yar, balse ay rabto inay si tartiib ah u dhisto mustaqbalkiisa.
Be the first to comment