Liverpool ayaa guul muhiim ah oo 3-1 ah ka gaartay Tottenham Hotspur kulan ka tirsanaa wareegga 32-ka ee Carabao Cup, iyadoo ciyaarta lagu qabtay garoonka Anfield, Natiijadan ayaa Liverpool u xaqiijisay inay u gudubto wareegga 16-ka, halka Tottenham ay tartanka isaga hartay.
Tottenham oo uu hoggaaminayay tababare Roberto De Zerbi ayaa kulanka ku bilaabatay xiddiga reer Masar Omar Marmoush, kaasoo waayadan dambe door joogto ah ka helayay safka hore ee kooxda London, Liverpool ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay, waxaana hoggaanka u dhiibay Alexis Mac Allister daqiiqaddii 22-aad, Goolka ayaa yimid kadib kubbad uu soo dhigay Cody Gakpo, taasoo gaartay Mac Allister, kaasoo si xooggan ugu dhammaystiray shabaqa Tottenham.
Tottenham ayaa isku dayday inay jawaab degdeg ah bixiso, iyadoo Marmoush & saaxiibadiisa ayaa qayb ka ahaa dadaallada kooxda, Daqiiqaddii 36-aad ayuu weeraryahanka Masar sabab u noqday in Ronald Araújo uu qaato kaarka jaallaha ah, halka Marmoush laftiisa digniin loo taagay daqiiqaddii 41-aad.
Qeybtii labaad ayay Tottenham awoodday inay ciyaarta kusoo laabato, Daqiiqaddii 69-aad, Marmoush ayaa qaaday koorne si wanaagsan loo dhigay, kubadduna waxay gaartay gudaha xerada ganaaxa Liverpool, halka Conor Gallagher uu fursadda ka faa’iidaystay oo uu shabaqa ku hubsaday, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-1.
Labada kooxood ayaa intaas kadib isku dayay inay helaan goolka guusha, laakiin Liverpool ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay si buuxda ula wareegtay ciyaarta, Daqiiqaddii 92-aad, Dominik Szoboszlai ayaa dhaliyay gool qurux badan oo uu ku xaqiijiyay guusha Liverpool, isla markaana meesha ka saaray rajadii Tottenham ee ahayd inay ciyaarta kusoo laabato, Sidaas darteed, Liverpool ayaa 3-1 kaga adkaatay Tottenham, waxayna u gudubtay wareegga 16-ka ee Carabao Cup, halka Tottenham ay tartanka ka hartay. Liverpool ayaa hadda sugeysa isku aadka wareegga xiga oo la filayo in la sameeyo Arbacada.
Be the first to comment