Lamine Yamal mise Laacib kale, Madaxweynaha La Liga oo farta ku fiiqay laacibka mudan kubada dahabka

Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo si cad u sheegay ciyaaryahanka uu aaminsan yahay inuu ugu mudan yahay ku guuleysiga abaalmarinta, Tebas ayaa markii la weydiiyay ciyaaryahanka uu u arko inuu mudan yahay Ballon d’Or, wuxuu si toos ah u doortay Rodri.

Wuxuu yiri:- “Rodri. Waa go’aan adag, laakiin marka la eego wixii uu ku soo bandhigay Koobka Adduunka, wuxuu mudan yahay” , Tebas ayaa sidaas darteed aaminsan in Rodri uu leeyahay sabab xooggan oo uu ugu guuleysto abaalmarinta sanadkan.

Waxaa sidoo kale Tebas wax laga weydiiyay taageerada ay ciyaartoyda Barcelona u muujinayaan Lamine Yamal, kuwaas oo doonaya inuu ku guuleysto Ballon d’Or, Tebas wuxuu sheegay in qof walba uu xaq u leeyahay aragtidiisa, balse isaga shaqsi ahaan uu weli taageersan yahay Rodri.

Markii laga hadlayay Lamine Yamal oo si kalsooni leh uga hadlay fursaddiisa Ballon d’Or, Tebas wuxuu yiri in ciyaaryahan kasta uu xaq u leeyahay inuu naftiisa qiimeeyo sidoo kale suuq geeyo, Wuxuu sheegay in Lamine Yamal uu si dabiici ah isu xayeysiinayo, maadaama uu si fiican u ogyahay heerka uu ciyaartiisu marayso, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu sheego inuu yahay kan ugu fiican, Si kastaba, Tebas wuxuu ku celiyay in saadaashiisa ay tahay in Ballon d’Or-ka loo dhiibi doono Rodri.

Tebas ayaa sidoo kale ka hadlay isbarbardhigga joogtada ah ee Lamine Yamal iyo halyeeyga Barcelona, Lionel Messi, Wuxuu sheegay in Yamal uu weli leeyahay waddo dheer oo uu maro ka hor inta aan si dhab ah loogu barbar dhigi karin Messi, Tebas wuxuu tilmaamay in isbarbardhigga noocaas ah si wanaagsan loo qiimeyn karo marka Yamal uu gaaro 19 sano, isla markaana la eego halka uu xirfaddiisu gaarto shanta sano ee soo socota.

Tebas sidoo kale hadalkiisa kuma koobnaan Ballon d’Or. Wuxuu si adag uga hadlay madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, isagoo sheegay in sii joogistiisa xilka ay noqon lahayd arrin uu isagu u arko wax laga xumaado, Wuxuu sidoo kale dhaliilay nidaamka maamulka FIFA iyo sida ururo badan oo kubadeed ay ugu tiirsan yihiin lacagaha FIFA, Tebas wuxuu sheegay in musharraxiinta doonaya inay tartamaan ay haystaan ilaa 18-ka November si ay u soo gudbiyaan codsigooda.

Dhanka kale, Tebas wuxuu sheegay inuu filayo in Real Madrid ay mustaqbalka dhow dalban doonto martigelinta finalka Champions League, Wuxuu sheegay in xiriirka xumaaday ee Real Madrid iyo UEFA uu sabab u yahay in kooxda aysan weli codsi gudbin, balse uu filayo inay arrintaas beddeli doonaan.

Tebas ayaa sidoo kale taageeray fikradda ah in finalka Koobka Adduunka lagu qabto Santiago Bernabéu, laakiin wuxuu ku xiray arrintaas xaaladda maamulka FIFA, Wuxuu aaminsan yahay in haddii Infantino uu xilka sii hayo ay adkaan karto in finalka Koobka Adduunka lagu qabto Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga