Michael Owen oo dhulka lagalay £74milyanlaha Man United ee Benjamin Šeško: “Weli ma ahan weeraryahanka dhabta ah”

Halyeeygii hore ee Manchester United iyo xulka England, Michael Owen, ayaa shaki weyn ka muujiyay awoodda weeraryahanka cusub ee United, Benjamin Šeško, kadib markii xiddiga reer Slovenia lagu reebay safka hore ee Manchester Derby-ga, Manchester United ayaa Axaddii 1-0 looga adkaaday Manchester City garoonka Old Trafford, iyadoo City ay inta badan ciyaarta ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan kadib markii Phil Foden la siiyay kaarka cas.

Inkasta oo goolka Erling Haaland uu muran badan dhaliyay, Owen wuxuu diiradda saaray weerarka United oo uu sheegay inuu ahaa mid aan wax badan abuurin, Owen ayaa difaacay go’aanka tababare Michael Carrick uu Šeško ugu bilaabi waayay kulanka City, Šeško, oo United ugu yimid qiime dhan £74 milyan, ayaa kulanka kusoo galay daqiiqaddii 67-aad, halka Carrick uu weerarka ku bilaabay Matheus Cunha iyo Marcus Rashford.

Owen wuxuu sheegay in Šeško uu weli u baahan yahay horumar iyo waayo-aragnimo dheeraad ah si uu u noqdo weeraryahan heer caalami ah:- “Šeško weli wuxuu u baahan yahay inuu horumar badan sameeyo si uu u noqdo ciyaaryahanka dhabta ah.”

Owen wuxuu intaas ku daray in haddii Manchester United ay doonayso inay mar kale Premier League ku guuleysato, ay u baahan tahay weeraryahan ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka, Hadalkiisa ugu weyn wuxuu ahaa in Owen uusan u arkin Šeško inuu hadda ku jiro tobanka weeraryahan ee ugu sarreeya kubadda cagta adduunka:- “Šeško ma yahay mid ka mid ah 10-ka weeraryahan ee ugu fiican adduunka? Maya, uma maleynayo inuu yahay.”

Si kastaba, Owen wuxuu qiray in Šeško uu yahay ciyaaryahan faa’iido badan u leh United, gaar ahaan marka uu beddel kusoo galo, Šeško ayaa hoos yimaada Carrick dhaliyay 9 gool 18 kulan, isagoo goolal kasoo dhaliyay kulamo uu kusoo bilowday iyo kuwo uu kursiga keydka kasoo galay.

Inkastoo taageerayaal badan iyo Gary Neville ay dhaliileen go’aanka Šeško lagu keydiyay, Owen wuxuu sheegay in haddii uu isaga ahaan lahaa Carrick, uu isla go’aankaas qaadan lahaa, Wuxuu sheegay in United ay haysato weeraryahanno kala duwan, isla markaana aysan jirin sabab weyn oo keenta in Šeško si degdeg ah loogu bilaabo kaliya sababtoo ah uu kulamadii hore goolal dhaliyay.

United ayaa kulankeeda xiga Arbacada la ciyaari doonta Brighton wareegga saddexaad ee Carabao Cup, ka hor inta aysan Premier League ugu safri doonin Fulham afar maalmood kadib.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga