Garsoorayaasha VAR-ka ee kulankii Manchester United iyo Manchester City ayaa laga joojiyay shaqada kulamada soo socda ee Premier League, kadib markii hay’adda garsoorka Ingiriiska ay qiratay in khalad laga sameeyay go’aankii lagu ansixiyay goolka Erling Haaland.
Matt Donohue, oo ahaa VAR-ka ugu weyn, iyo Blake Antrobus, oo ahaa kaaliyaha VAR-ka, ayaan loo magacaabin kulamada Premier League ee toddobaadka soo socda. Go’aanka ayaa yimid kadib markii Pro Ref ay qiratay in VAR-ku sameeyay “khalad qiimeyn ah” markii uu oggolaaday goolka Haaland.
Haaland ayaa daqiiqaddii 60-aad dhaliyay goolka Manchester City ku garaacday Manchester United 1-0, iyadoo goolka markii hore loo diiday offside. VAR ayaa markii dambe soo farageliyay, waxaana la go’aamiyay in Haaland uu ku jiray boos sharci ah, taasoo keentay in goolka la ansixiyo.
Balse muranka ugu weyn wuxuu ka dhashay Enzo Fernández, kaasoo City u ciyaarayay, isla markaana ku jiray boos offside ah xilli uu isku dayayay inuu gaaro kubadda. Inkastoo uusan kubadda taaban, Pro Ref ayaa sheegtay in VAR-ku uu ku fashilmay inuu si sax ah u qiimeeyo saameynta uu booska Fernández ku lahaa ciyaarta.
Hay’adda Pro Ref waxay sheegtay in VAR-ku ay ahayd inuu garsooraha Michael Oliver kula taliyo inuu shaashadda garoonka dib uga daawado dhacdada, maadaama arrinta Fernández ay ahayd xaalad u baahan qiimeyn dheeraad ah, Hay’addu waxay sidoo kale xiriir la sameysay Manchester United si ay u aqoonsato khaladka, iyadoo sheegtay in dhacdada dib loo eegi doono.
Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa si weyn uga carooday go’aanka, isagoo sheegay inuu fahmi waayay sababta Fernández aan loogu tixgelin inuu ciyaarta saameeyay. Carrick wuxuu ku dooday in ciyaaryahanka City uu ku dhowaaday kubadda, isla markaana uu saameyn ku yeeshay falcelinta difaaca United.
Goolka Haaland ayaa noqday mid aad muhiim u ah, maadaama Manchester City ay ciyaarta inteeda badan ku ciyaartay 10 ciyaaryahan, kadib markii Phil Foden la saaray qeybtii hore. City ayaa haddana awoodday inay ilaaliso 1-0 oo ay Old Trafford kala baxdo saddexda dhibcood.
Be the first to comment