Manchester Derby-ga ayaa muran weyn ka dhaliyay kadib markii Phil Foden kaarka cas loo taagay, balse halyeeyga Manchester United ee Roy Keane ayaa su’aal geliyay doorka Bruno Fernandes ee dhacdada.
Dhacdadu waxay timid bartamihii qeybtii hore ee ciyaarta, kadib markii Foden uu dhulka ku dhacay kaddib qalad. Intii uu isku dayayay inuu soo kaco, Fernandes ayaa u muuqday inuu dhabarka kaga dhuftay ama kaga laad yaray, taasoo Foden ka careysiisay.
Foden ayaa markaas si caro leh uga jawaabay, isagoo labada lugood ku laaday caloosha Fernandes. Garsoore Michael Oliver ayaa si toos ah u siiyay Foden kaarka cas, waxaana go’aanka dib u eegay VAR oo ugu dambeyn xaqiijiyay, Si kastaba, Roy Keane ayaa sheegay in dhacdada si kale loo qiimeyn karo.
Keane oo ka hadlayay Sky Sports ayaa yiri: “Foden wuu kacay oo wuu falceliyay, sidaas darteed hadda waa laga saaray, Laakiin waxyaabaha yaabka leh ayaa ah marka aad dib u eegto dhacdada, Bruno ayaa qaladka sameeyay, wuxuuna si yar u laadaya Foden.”
Keane ayaa intaas ku daray in Bruno Fernandes uu ahaa qofka marka hore sameeyay falka rabshadda u ekaa, isaga oo sheegay inuu khasab ku yahay inuu arrintaas si cad u tilmaamo, “Aniga ahaan, Bruno ayaa ahaa qofka rabshadda sameeyay halkan, Waa inaan arrintaas tilmaamaa, Ma u maleynayo in tani ay ahayd kaarka cas ee Foden.”
Keane wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdo hore oo uu ku dhaleeceeyay Kyle Walker, isagoo sheegay in marka ay timaado falalka noocan ah, mararka qaar ciyaartoydu ay dhacdooyinka u arkaan si kala duwan.
Dhanka kale, Gary Neville, oo ciyaarta faallo ka bixinayay, ma uusan si buuxda ula safan Foden. Neville wuxuu sheegay in Foden uu si cad uga falceliyay, isla markaana laad caloosha ah uu ahaa fal aan laga baxsan karin, Si kastaba, Neville wuxuu sidoo kale qabay in Bruno Fernandes uu mudnaa ugu yaraan kaarka jaallaha ah.
Arrintan ayaa dood xooggan ka dhalisay, iyadoo su’aasha ugu weyn ay noqotay: Bruno ma ahaa qofkii bilaabay dhacdada, halka Foden uu ahaa ciyaaryahankii ugu dambeyn lagu ciqaabay falka ugu daran?
Ugu dambeyn, Foden ayaa garoonka ka baxay isagoo kaarka cas qaatay, halka Fernandes uu ciyaarta sii watay.
Be the first to comment