Maxey tahay sirta kadambeysa Go’aanka lama filaanka ee Mo Salah ?

Xiddigii hore ee Liverpool Mohamed Salah ayaa si rasmi ah u go’aansaday inuu ku biiro kooxda reer Turkiga ee Trabzonspor, kadib markii uu xagaagan ka tagay Liverpool isagoo xor ah.

Salah ayaa helay dalabyo waaweyn oo uga yimid horyaalka MLS ee Mareykanka iyo sidoo kale kooxo ka dhisan Saudi Pro League, kuwaas oo u bandhigay mushaar aad u sarreeya. Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Masar ayaa doorbiday mashruuca ay u soo bandhigtay Trabzonspor.

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay ayuu Salah wadahadallo joogto ah la lahaa maamulka Trabzonspor, iyadoo labada dhinac ay ka wada xaajoonayeen faahfaahinta heshiiska.

Maanta ayay kooxda Trabzonspor u qabatay Salah waqti kama dambeys ah (deadline), iyagoo si cad ugu sheegay inuu go’aan degdeg ah ka gaaro dalabka loo soo bandhigay.

Intii uu go’aanka qaadanayay, Salah wuxuu la xiriiray qaar ka mid ah ciyaartoyda Trabzonspor si uu uga wareysto nolosha magaalada Trabzon, taageerayaasha kooxda iyo jawiga guud ee kooxda. Wararka uu helay ayaa dhammaantood ahaa kuwo wanaagsan, taasoo ka caawisay inuu qaato go’aankiisa ugu dambeeya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga