Man utd oo Jawaab culus ka heshay Man City kadib saxiix ayka doonteen !

Manchester United ayaa maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga sameysay codsi lama filaan ah oo ku aaddan daafaca bidix ee Manchester City, Rayan Aït-Nouri, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, United ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay suuqa ka raadinaysay daafac bidix cusub oo tartan kula gala Luke Shaw,  Kooxda ayaa isku dayday inay hesho Lewis Hall oo Newcastle ah, balse dalabkaas si degdeg ah ayaa loo diiday.

Sidoo kale, Manchester United ayaa lala xiriiriyay Alejandro Balde oo Barcelona ah iyo Jorge Salinas oo Racing Santander ah, laakiin labada qorshe ayaa ugu dambeyn meesha ka baxay, xaaladdaas ayaa keentay in United ay indhaheeda u jeediso Aït-Nouri, kaas oo xilli ciyaareedkan qayb ka ah Manchester City, inkastoo uu tartan adag ugu jiro booskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Manchester United ay sameysay “tentative enquiry”, taas oo ah baaritaan hordhac ah oo ku saabsan suurtagalnimada in ciyaaryahanka lagu soo wareejiyo Old Trafford, si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax muujinaya in wada-hadalladaasi ay gaareen heer heshiis lagu dhammeystirayo, waxaana tallaabada United lagu tilmaamay mid aan hadda meel fog gaarin.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Manchester United ay suuqa ka bixi karto iyadoo aan helin daafac bidix cusub, haddii uusan dhicin isbeddel lama filaan ah saacadaha ugu dambeeya, Rayan Aït-Nouri ayaa sidaas darteed noqday magaca ugu dambeeyay ee lala xiriiriyo Manchester United, laakiin isku dayga kooxda ayaa u muuqda mid aad u adag, gaar ahaan maadaama ciyaaryahanku hadda yahay qayb ka mid ah kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga