DEG DEG Chelsea oo lawareegtay badalka ENZO laacib qad dhexe ayey lawareegeen ?

Chelsea ayaa heshiis mabda’ ah la gaartay AS Monaco si ay ula soo wareegto khadka dhexe ee Senegal, Lamine Camara, sida uu sheegay Fabrizio Romano, Wararka ayaa sheegaya in qiimaha heshiisku gaarayo €55 milyan, iyadoo Camara loo fasaxay inuu u safro London si uu u maro baaritaanka caafimaadka.

Heshiiska labada dhinac ayaa hadda la isla meel dhigay, waxaana Chelsea iyo Camara ay ku jiraan tallaabooyinka ugu dambeeya ee caafimaadka iyo waraaqaha rasmiga ah, iyadoo waqtigu aad u yar yahay maadaama maanta uu yahay maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga.

Camara, oo ah xiddig 22 jir ah oo xulka Senegal ah, ayaa Chelsea u noqonaya xoojin muhiim ah oo khadka dhexe ah, gaar ahaan iyadoo Enzo Fernández uu katagayo   Chelsea una dhaqaaqayo Manchester City heshiis rikoor ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga