Premier league oo jabisay rikoorka suuqa kala iibsiga xagaaga labaad oo isku xigta

Kooxaha Premier League ayaa xagaagan dhigay rikoor cusub oo ku saabsan lacagta lagu bixiyay suuqa kala iibsiga, iyadoo wadarta kharashaadka ay gaartay £3.198 bilyan, rikoorkii hore ee £3.14 bilyan, oo la dhigay xagaagii 2025, ayaa la jebiyay maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga kadib markii Iliman Ndiaye uu Everton uga wareegay Manchester City lacag bilow ah oo dhan £60 milyan.

Lacagtan ayaa si weyn uga badan £1.13 bilyan oo Premier League-ku ku bixiyay ciyaartoy cusub shan sano ka hor, taasoo muujineysa awoodda dhaqaale ee kooxaha horyaalka Ingiriiska.

💰 Saddex ciyaaryahan oo ku kacay £333 milyan

Morgan Rogers, Elliot Anderson iyo Sandro Tonali ayaa si gaar ah uga mid noqday heshiisyadii waaweynaa ee xagaagan.

  • Chelsea ayaa Morgan Rogers ka soo qaadatay Aston Villa £117 milyan.
  • Manchester City ayaa Elliot Anderson kala soo wareegtay Nottingham Forest £116 milyan.
  • Tottenham ayaa Sandro Tonali kula soo wareegtay heshiis qiimihiisu gaari karo £100 milyan.

Saddexdan ciyaaryahan ayaa isku darkooda ku kacaya ilaa £333 milyan.

Rogers iyo Anderson ayaa sidoo kale noqday labada ciyaaryahan ee British-ka ah ee ugu qaalisan taariikhda.

Liverpool ayaa iyaduna bixisay £106 milyan oo bilow ah, taasoo gaari karta £123 milyan, si ay Paris Saint-Germain uga soo qaadato Bradley Barcola.

🏴 Premier League oo lacag badan gudaha ku wareejinaya

Waxa xusid mudan in 38% heshiisyadii lacagta lagu bixiyay xagaagan ay ahaayeen koox Premier League ah oo ciyaaryahan ka iibsanaysa koox kale oo isla Premier League ah.

Tiradaasi waxay kor uga kacday 30% xagaagii hore.

Marka lagu daro ciyaartoyda laga soo iibsanayo kooxaha heerarka hoose ee kubadda cagta Ingiriiska, ku dhawaad 48% heshiisyada ayaa lacagtu ku dhex wareegtay kubadda cagta Ingiriiska.

Kooxo badan ayaa doorbidaya ciyaartoy horey uga soo ciyaaray Premier League, maadaama ay si wanaagsan u yaqaanaan horyaalka, isla markaana ay jirto kalsooni badan oo ku saabsan inay si degdeg ah ula qabsan karaan.

💷 £1 bilyan oo ka badan net spend

Premier League ayaa sidoo kale weli leh net spend ka badan £1 bilyan, taasoo ah tan ugu sarreysa horyaallada waaweyn ee Yurub.

Ipswich Town oo dhawaan u soo dallacday Premier League ayaa xitaa lacag ka badan kooxo waaweyn oo Yurub ah sida Barcelona, AC Milan, Juventus iyo PSG ku bixisay saxiixyada cusub.

Tani waxay muujineysaa sida awoodda dhaqaale ee Premier League ay uga sii fogaaneyso horyaallada kale ee Yurub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga