Xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka Morocco Brahim Díaz, ayaa dhammaadkii toddobaadkan u dabaaldegay arooskiisa, isagoo guursaday gacalisadiisa Luz Méndez, kadib xiriir jaceyl oo socday ku dhawaad lix sano, Arooska lamaanahan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha taageerayaasha kubadda cagta gudaha Spain iyo meelo kale oo dunida ah.
Brahim Díaz iyo Luz Méndez ayaa xiriirkooda bilaabay ka hor inta uusan ciyaaryahanku dib ugu laaban Real Madrid, Mudadii ay wada socdeen, Luz Méndez waxay marar badan baraha bulshada ku baahin jirtay fariimo muujinaya jacaylka iyo taageerada ay u hayso Díaz.
Mid ka mid ah fariimahaas ayay ku tiri: “Ku dhawaad lix sano ayaan la qaatay qofkan.” Sidoo kale bilowgii sannad cusub ayay qortay: –
“Sawirkii ugu dambeeyay ee sannadka adiga kula jira, adiga oo ila wadaagay daqiiqad kasta oo sannadkii 2024 ah, waxaana rajeynayaa inaan kula qaato ilbiriqsi kasta oo sannadka 2025.”
Fariimahaas ayaa sii kordhiyay xiisaha taageerayaasha ee lamaanaha, maadaama Luz Méndez loo aqoonsanaa mid ka mid ah dadka sida weyn u garab istaagay Brahim Díaz xilliyadii ugu muhiimsanaa ee xirfaddiisa kubadda cagta.
Inkastoo Brahim Díaz uu caan ku yahay inuu noloshiisa gaarka ah ka fogeeyo warbaahinta iyo baraha bulshada, haddana ku dhawaaqista arooskiisa ayaa noqotay arrin si weyn loo hadal hayo, Lamaanaha ayaa si dhif ah u wadaagi jiray faahfaahinta xiriirkooda, taasoo ka dhigtay arooskooda mid si gaar ah u soo jiita indhaha taageerayaasha.
Luz Méndez ayaa ugu dambeyn boggeeda rasmiga ah ee Instagram ku baahisay sawirradii ugu horreeyay ee arooskooda. Sawirrada ayaa muujinayay iyada oo xiran dhar aroos oo cad, halka Brahim Díaz uu xirnaa suudh madow oo qurux badan, iyagoo u muuqday kuwo farxad iyo jacayl ka muuqdo maalintoodii gaarka ahayd.
Be the first to comment