Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Miami, Casemiro, ayaa shaaciyay in sababta ugu weyn ee uu ugu biiray kooxda Mareykanka ay ahayd inuu fursad u helo la ciyaarista halyeeyga kubadda cagta Lionel Messi.
Casemiro, oo dhawaan ka tagay Manchester United, ayaa sheegay inuusan ka labalabeyn go’aankii uu ugu wareegay MLS, maadaama uu muddo dheer ku taamayay inuu garab ciyaaro Messi.
Isagoo la hadlayay warbaahinta markii si rasmi ah loo soo bandhigay, Casemiro ayaa yiri:”Aniga, shaki kuma jiro inaan halkan u imid inaan ka garab ciyaaro ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rabaa inaan ku raaxeysto la ciyaaristiisa. Waxaan rabaa inaan ka caawiyo inuu sii wado guuleysiga, sababtoo ah waa ciyaaryahan mar walba guul doon ah.”
Xiddiga reer Brazil ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ugu dambeyn gaaray kooxdii uu doonayay.
“Waxaan joogaa meesha aan rabay inaan ka ciyaaro ee MLS. Waxaan Manchester United ka tagay anigoo xor ah. Waxaan rabaa inaan la ciyaaro Messi, inaan ka caawiyo inuu ku guuleysto koobab badan, waayo isaga waa mid ka mid ah, haddii uusan ahayn, ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.”
Casemiro ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Inter Miami toddobaadkii hore, markaas oo kooxdiisu 1-0 kaga adkaatay CF Montreal.
Be the first to comment