Sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano, heshiiska wuxuu noqonayaa amaah, waxaana lagu dari doonaa qodob u oggolaanaya Atlético Madrid inay si rasmi ah u iibsato ciyaaryahanka marka uu dhammaado muddada amaahda, Atlético ayaa sidoo kale qaadi doonta in ka badan 50% mushaharka Jonathan David.
David, oo Juventus ugu yimid isagoo ah weeraryahan si weyn loo filayay, ayaa xilli ciyaareedkii hore ku adkaatay inuu joogteeyo qaab ciyaareedkiisii, waxaana bilowga xilli ciyaareedka cusub uu sidoo kale la kulmay cadaadis, warbixinnada Talyaaniga ayaa xusay in taageerayaasha Juventus ay si weyn u dhaleeceeyeen markii laga saaray kulankii Parma.
U dhaqaaqista Jonathan David waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Atlético Madrid ay wajahayso suurtagalnimada bixitaanka Julián Álvarez, kaas oo lala xiriirinayo Arsenal iyo Barcelona, Atlético ayaa sidaas darteed David u aragta xoojin muhiim ah oo weerarka ah.
Dhanka Juventus bixitaanka David wuxuu kooxda ku qasbayaa inay raadiso weeraryahan cusub, Joshua Zirkzee iyo Nick Woltemade ayaa ka mid ah xulashooyinka ay Juventus kala xaajoonayso.
Be the first to comment