HAYEEY MUCAARADOOW Arsenal oo Wacad kumartay in Sanadkan Wacdaro dhigi doonaan Koobab & saxiixyo ?

Tababaraha Mikel Arteta ayaa farriin adag u diray ciyaartoydiisa, isagoo sheegay in ku guuleysiga horyaalka uusan ahayn dhammaadka safarka, balse uu yahay bilowga guulo waaweyn oo cusub.

Arteta ayaa sheegay in guushu hadda ay noqotay halbeegga cusub ee Arsenal, isla markaana kooxda looga baahan yahay inay sii xoojiso tayadeeda si ay u gaarto heer ka sarreeya kii ay gaartay xilli ciyaareedkii hore.

“Tani waa inay noqotaa bilowga, waana inay noqotaa halbeeggeenna cusub. Waa inaan kooxda gaarsiinnaa heer kale,” ayuu yiri Arteta.

Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in horumarkaasi uu u baahan yahay koox ka awood badan tan hadda jirta.

“Waxaan u baahanahay koox ka fiican iyo ciyaartoy ka tayo wanaagsan haddii aan rabno inaan gaarno heerka xiga.”

Hadallada Arteta ayaa kusoo beegmaya xilli Arsenal F.C. ay si weyn u raadineyso xoojinta safkeeda, iyadoo wararku sheegayaan inay daneynayso saxiixyada Vinícius Júnior oo ka tirsan Real Madrid iyo Bruno Guimarães oo ah kabtanka Newcastle United F.C..

Arteta ayaa sheegay in maamulka kooxda iyo isaga ay isla garteen meelaha ay Arsenal u baahan tahay inay iska xoojiso, isagoo rajo ka muujiyay in heshiisyo cusub la soo gabagabeyn doono dhawaan.

Dhanka kale, Arsenal ayaa hore u soo xoojisay safkeeda iyadoo la soo wareegtay Christos Tzolis iyo goolhaye Illan Meslier.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa wajahaysa walaac dhaawac kadib markii daafaca Jurriën Timber uu dib ugu laabtay London si loo sii baaro dhaawac kasoo gaaray muruqa gumaarka, inkastoo la filayo inuu mar kale ku biiro xerada tababarka marka xaaladdiisa caafimaad la qiimeeyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga