Xulka England ayaa lagu qasbi doonaa inuu soo maro isreeb-reebka si uu ugu soo baxo tartanka Euro 2028, inkastoo uu ka mid yahay dalalka martigelinaya. Go’aankan ayaa si weyn loola yaabay, maadaama inta badan dalalka martigeliya tartamada waaweyn si toos ah loogu oggolaado ka qeybgalka.
Arrintan ayaa sii dhalisay dood, kadib markii Argentina loo xaqiijiyay inay si toos ah uga qeyb geli doonto Koobka Adduunka 2030, inkastoo ay martigelin doonto hal kulan oo keliya, kaas oo noqonaya kulanka furitaanka ee dalkeeda. Sidoo kale Uruguay iyo Paraguay ayaa helay fursad la mid ah, halka martigeliyeyaasha ugu waaweyn ee tartanka oo kala ah Spain, Portugal iyo Morocco iyaguna si toos ah ugu soo bixi doonaan.
Dhanka kale, England oo martigelin doonta kulamo lagu ciyaari doono garoomo waaweyn sida Wembley, Tottenham Hotspur Stadium, Etihad Stadium, Hill Dickinson Stadium, St James’ Park iyo Villa Park, ayaan weli helin xaqa ay si toos ah ugu ciyaari lahayd tartanka.
Sida uu dhigayo nidaamka cusub ee UEFA, England waxay geli doontaa isreeb-reebka iyadoo la tartami doonta 50-ka xul ee kale ee Yurub. England waxaa laga fogeyn doonaa isla guruubka dalalka kale ee martigelinaya sida Scotland, Wales iyo Jamhuuriyadda Ireland.
Kooxaha ku soo baxa kaalinta koowaad ee 12-ka guruub iyo siddeedda xul ee ugu fiican kaalinta labaad ayaa si toos ah ugu gudbi doona Euro 2028. Waxaa intaas dheer laba boos oo loo qoondeeyay dalalka martigelinaya haddii aysan ku soo bixin isreeb-reebka.
Taas micnaheedu waa haddii laba ka mid ah dalalka martigelinaya ay ku soo baxaan isreeb-reebka, England waxay heli doontaa booska martigeliyaha haddii ay ku guuldareysato inay iskeed ugu soo baxdo. Haddii saddex ama afar dal oo martigelinaya ay wada dhacaan, labada ugu sarreeya qiimeynta UEFA ayaa heli doona labada boos ee martigeliyaha.
Inkastoo England loo arko inay fursad weyn u leedahay inay si caadi ah ugu soo baxdo tartanka, haddana taageerayaal badan ayaa is barbar dhigaya sida loola dhaqmay England iyo sida Argentina loogu xaqiijiyay booska Koobka Adduunka 2030, taasoo sii kordhisay doodda ku saabsan sinnaanta xeerarka ay adeegsadaan FIFA iyo UEFA.
Be the first to comment