WAR CULUS Barcelona oo isku diyaarinaysa saxiix weeraryahan cusub si uu u beddelo Ferran Torres

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in Barcelona ay durba diyaarisay qorshe ay ku beddaleyso Ferran Torres, haddii weeraryahanka reer Spain uu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida uu qoray wargeyska Sport, weeraryahanka kooxda Hoffenheim, Fisnik Asllani, ayaa hakiyay wadahadalladii uu kula jiray RB Leipzig, maadaama uu rajeynayo inuu rumoobo riyadiisa ah inuu ku biiro Barcelona.

Asllani oo 23 jir ah ayaa lagu tilmaamaa ciyaaryahan leh astaamaha uu jecel yahay tababaraha Barcelona Hansi Flick. Wuxuu leeyahay awood jireed oo wanaagsan, wuxuu si xooggan u cadaadiyaa kooxda ka soo horjeeda, labada lugoodba si fiican ayuu ugu dhammeeyaa fursadaha, sidoo kalena wuxuu ku fiican yahay kubbadaha hawada.

Xilli ciyaareedkii hore ee Bundesliga, Asllani wuxuu uu Hoffenheim u  Dhaliyay 10 gool Sameeyayns 7 caawin (assists).

Ciyaaryahankan ayaa kasoo baxay akadeemiyada Union Berlin, wuxuuna soo maray laba amaah oo guul leh ka hor intii uusan isku muujin Bundesliga. Wuxuu qandaraas kula jiraa Hoffenheim ilaa 2029.

Barcelona waxay u aragtaa Asllani inuu yahay beddelka ugu habboon ee Ferran Torres. Si kastaba ha ahaatee, qiimaha lagu heli karo ayaa sidoo kale ka dhigaya bartilmaameed ay kooxda la wareegi karto xitaa haddii Ferran Torres uusan kooxda ka tagin.

Qandaraaska Asllani waxaa ku jira qiime burburin (release clause) oo dhan €29 milyan, taas oo loo arko qiime macquul ah oo Barcelona ugu suurtogelin kara inay xoojiso weerarkeeda iyadoo aan culays weyn saarin miisaaniyadda suuqa kala iibsiga.

Haddii Barcelona ay go’aansato inay dhaqaaqdo, Asllani wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu xiisaha badan ee kooxda xagaagan, gaar ahaan haddii mustaqbalka Ferran Torres uu noqdo mid aan la hubin.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga