Tababaraha Xulka Argentina Oo Magacaabay Laba Xul Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Adduunka.

Tababaraha xulka Argentina, Lionel Scaloni, ayaa sheegay in Spain iyo France ay yihiin labada xul ee ugu cadcad ku guuleysiga Koobka Adduunka 2026.

Scaloni ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka afar-dhammaadka tartanka ee ay Argentina la ciyaari doonto Switzerland dhammaadka toddobaadkan.

Wuxuu tilmaamay in Spain iyo France ay yihiin labada xul ee ugu heerka sarreeya tartankan, isagoo xusay inay muujiyeen qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo bilowgii Koobka Adduunka.

“Ma aanan maqal dad badan oo leh kulanka Spain iyo France waa final hore, balse dhab ahaantii sidaas ayuu yahay,” ayuu yiri Scaloni.

“Waa laba xul oo aad u xooggan, kana mid ah kuwa ugu cadcad koobkan. Nasiib darro, midkood ayaa tartanka ka haraya. Wax walba si heer sare ah ayay u sameynayaan, waana kooxo cabsi geliya cid kasta oo la kulanta,” ayuu sii raaciyay.

Spain iyo France ayaa isku wajihi doona wareegga afar-dhammaadka (semi-finalka) maalinta Talaadada, kaddib markii Spain ay ka reebtay Belgium halka France ay garaacday Morocco kulamadii quarter-final-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga