Chelsea oo la iibinayo & khilaaf soo kala dhex galay milkiilayaasha hada kooxda leh Yaa laga iibinaya ?

Kooxda Chelsea ayaa wajahaysa xaalad cusub oo dhinaca maamulka ah, iyadoo warar cusub ay sheegayaan in milkiilaha iyo guddoomiyaha kooxda, Todd Boehly, uu wadahadallo kula jiro Clearlake Capital si uu uga iibiyo saamigiisa Chelsea.

Boehly iyo saaxiibkiisa ganacsi Mark Walter ayaa la sheegay inay doonayaan inay ka iibiyaan Clearlake saamigooda, kaas oo labada nin siinaya mid kasta 12.8% saamiga Chelsea., haddii heshiiskaasi dhab noqdo, Clearlake Capital ayaa yeelan karta in ka badan 86% saamiyada kooxda, taasoo siinaysa awood ku dhow inay si buuxda u maamusho Chelsea.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli muddo dheer uu jiray khilaaf u dhexeeyay Todd Boehly iyo Behdad Eghbali, oo ah aasaasaha Clearlake Capital isla markaana hadda ah qofka ugu awoodda badan dhinaca maamulka Chelsea.

Markii Chelsea laga iibsaday Roman Abramovich sanadkii 2022, Boehly wuxuu ahaa wejigii ugu weynaa ee heshiiska, balse Clearlake ayaa bixisay qayb weyn oo ka mid ahayd maalgelinta, Afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaa soo baxay khilaafaadyo badan oo ku saabsan sida kooxda loo maamulayo, siyaasadda suuqa kala iibsiga iyo istaraatiijiyadda mustaqbalka.

Chelsea waxay tan iyo markii la wareegay kooxda maalqabeennada Mareykanka ku bixisay in ka badan £2 bilyan ciyaartoy cusub. Si kastaba, lacagtaas badan weli ma aysan dhalin natiijooyinkii laga filayay.

Xilli ciyaareedkii hore Chelsea waxay Premier League ku dhamaysatay kaalinta 10-aad, iyadoo sidoo kale ay kooxda soo martay tababarayaal badan, hadda waxaa kooxda loo dhiibay Xabi Alonso, kaas oo loo baahan yahay inuu dib ugu soo celiyo Chelsea tartanka kooxaha ugu sarreeya England iyo Yurub.

Waxaa intaas dheer in Chelsea ay hadda beddeshay siyaasaddeedii suuqa, kooxdu markii hore waxay si weyn u maalgelin jirtay ciyaartoyda da’da yar, laakiin maqnaanshaha kubadda cagta Yurub ayaa keentay in maamulka uu raadiyo ciyaartoy khibrad leh sida Danny Welbeck iyo Jordan Henderson.

Dhanka kale, Mark Walter ayaa isaguna iibiyey inta badan saamigiisii Los Angeles Lakers, heshiiskaas oo lagu qiimeeyay ku dhawaad £9 bilyan,  Walter iyo Boehly weli waxay wadaagaan maalgashiyo kale oo ay ka mid yihiin LA Dodgers iyo Los Angeles Sparks.

Waxaa sidoo kale jira baaritaan ka socda Mareykanka oo la xiriira shirkadaha caymiska ee Walter,  Waxaa la baarayaa eedeymo sheegaya in shirkadihiisu ay lacag amaahiyeen shirkado kale oo xiriir la lahaa isaga, iyadoo aan xiriirkaas si buuxda loo shaacin.

Haddii Boehly iyo Walter ay dhab ahaan saamigooda ka iibiyaan Clearlake, tani waxay noqon doontaa isbeddel weyn oo ku yimaada Chelsea, Behdad Eghbali iyo Clearlake waxay markaas heli doonaan awood aad u weyn oo ay ku go’aamiyaan mustaqbalka kooxda, oo ay ku jiraan qorshaha garoonka cusub iyo siyaasadda suuqa ciyaartoyda.

Waxaa weli muhiim ah in la xuso in wararkan aysan weli noqon heshiis rasmi ah, waxaana labada dhinac ay ka gaabsadeen inay faallo ka bixiyaan.

Laakiin haddii heshiisku miro dhalo, waxay noqon kartaa dhammaadka marxalad ka mid ah maamulka Chelsea iyo bilowga xilli cusub oo Behdad Eghbali iyo Clearlake Capital ay si ka badan sidii hore u maamulaan kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga