Xulka qaranka Morocco ayaa u soo baxay wareegga siddeedda (Quarter-finals) ee Koobka Adduunka 2026, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Canada kulankii wareegga 16-ka.
Qaybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay barbaro goolal la’aan ah, balse qaybtii labaad ayay “Libaaxyada Atlas” si buuxda ula wareegeen ciyaarta.
Azzedine Ounahi ayaa furay gooldhalinta daqiiqaddii 50-aad, kaddib baas qurux badan oo uu ka helay Achraf Hakimi.
Ounahi ayaa markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 82-aad, isagoo ka faa’iideystay caawin sax ah oo uu u dhiibay Ibrahim Diaz. Intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa (90+8), Sofiane Rahimi ayaa dhaliyay goolka saddexaad, waxaana markale caawinta bixiyay Ibrahim Diaz.
Kulankan waxaa dhaawac dartiis uga baxay Ismail Sabiri daqiiqaddii 22-aad, waxaana beddelay Sofiane Rahimi, kaasoo saameyn weyn yeeshay isagoo dhaliyay goolka saddexaad. Rahimi wuxuu sidoo kale qarka u saarnaa inuu dhaliyo gool kale daqiiqaddii 85-aad, balse kubbaddiisa waxay ku dhacday birta goolka.
Guushan ayaa sii xoojisay bandhigga cajiibka ah ee Morocco ka wado Koobka Adduunka 2026, iyadoo hadda isu diyaarinaysa kulanka wareegga siddeedda, kuna hamineysa inay gaarto guul taariikhi ah oo caalami ah.
Be the first to comment