Chelsea ayaa si weyn ugu soo gabagabeysay kulamadeeda diyaar-garowga xilli ciyaareedka, kadib markii ay 3-0 kaga adkaatay AC Milan, kulan ka dhacay Indonesia.
Kooxda uu hoggaamiyo Xabi Alonso ayaa bandhig fiican sameysay, iyadoo guushan ay taageerayaasha Chelsea siisay rajo wanaagsan kadib guuldarrooyinkii hore ee Tottenham iyo Juventus.
João Pedro ayaa ahaa xiddigii ugu weynaa ee kulanka, isagoo dhaliyay laba gool.
Goolka koowaad wuxuu yimid wax yar ka hor dhammaadka qeybtii hore. Pedro ayaa ka faa’iideystay kubbad uu kasoo qaaday geeska, wuxuuna madax ku dhaliyay shabaqa Milan, isagoo Chelsea u dhiibay hoggaanka 1-0.
Markii qeybtii labaad bilaabatay, Pedro ayaa mar kale shabaqa taabtay. Pedro Neto ayaa soo dhigay karoos sax ah, waxaana João Pedro uu kubadda si fudud ugu dhammeystiray goolka labaad,Laakiin goolka ugu quruxda badnaa kulanka waxaa dhaliyay Moisés Caicedo.
Caicedo ayaa kubbad ka timid corner ku helay bannaanka xerada ganaaxa, wuxuuna hal taabasho ku dhuftay kubadda isagoo isticmaalaya bannaanka cagtiisa. Kubaddu waxay si cajiib ah uga fogaatay goolhayaha Milan, iyadoo ugu dambeyn ku dhacday geeska hoose ee shabaqa.
Chelsea ayaa inta badan maamuleysay kubadda, halka Milan ay isku dayaysay inay weerarro degdeg ah ku qaaddo.
Rafael Leão ayaa isku dayay inuu xawligiisa kaga faa’iideysto daafaca Chelsea, balse Josh Acheampong ayaa si wanaagsan u xakameeyay, isagoo bandhig fiican sameeyay.
Dhinaca kale, goolhayaha Chelsea Robert Sánchez xitaa ma uusan sameyn hal badbaadin oo muhiim ah, taasoo muujineysa sida ay Chelsea u maamushay kulanka.
Xabi Alonso ayaa markii ugu horreysay kulamadan isku dayay nidaamka 3-da daafac, kaasoo uu si weyn ugu isticmaali jiray Bayer Leverkusen.
Isbeddelkaas ayaa u muuqday mid shaqeynaya, iyadoo Chelsea ay kulanka ku dhammaatay guul nadiif ah oo 3-0 ah.
Chelsea ayaa hadda sii wadi doonta diyaar-garowgeeda, iyadoo kulankeeda xiga ay la ciyaari doonto Johor Darul Ta’zim, kooxda heysata horyaalka Malaysia.
Be the first to comment