Fabrizio Romano Oo Xog Ka Soo Dusiyay Mustaqbalka Vinicius Jr, Arsenal Miyuu Ku Wajahan Yahay Mise?

Real Madrid ayaa ku rajo weyn in Vinicius Jr ku sii hayaan kooxda iyaga oo haminaya in hishiis cusub ay ku qanciyaan laacibkaas reer Brazil

Kooxda reer Spain ayaa wadahadallo ballaaran la gashay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Brazil iyo wakiilladiisa iyagoo isku dayaya inay sugaan mustaqbalka fog ee ciyaaryahan sannadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa hadda.

Wadahadallada muhiimka ah ee u dhexeeya ciyaaryahanka iyo  madaxda kooxda ayaa dhacay Arbacadii waxaana lagu tilmaamay inay yihiin kuwo aad u wanaagsan dhammaan dhinacyada ku lugta leh.

Los Blancos waxaa la rumeysan yahay inay aad u doonayaan inay xiraan weeraryahankooda halista ah waxayna dalbadeen jawaab kama dambays ah sida ugu dhakhsaha badan, sida uu sheegay Fabrizio Romano.

Soo jeedin cusub ayaa hadda si firfircoon looga hadlayaa ka dib wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallo wax ku ool ah oo ka dhacay caasimadda Spain.

Real ayaa aad ugu rajo weyn in heshiis si dhakhso ah lala gaari JR, balse weli war lagama hayo laacibka iyo wakiilkiisa.

Waxaa xiiso leh in tababaraha dhawaan la magacaabay Jose Mourinho uu si toos ah ugu lug yeeshay wadahadallada si laacibka loogu qanciyo in uu baaqi ku sii ahaado kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga