DEG-DEG: Liverpool Oo Ku Hungawday Dalabkii Ay Ka Gudbisay Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Koobka Adduunka

Kooxda RB Leipzig ayaa si rasmi ah u diidday dalabkii €100 milyan ee uga yimid Liverpool si ay ula soo saxiixato Yan Diomandé.

Dalabka Liverpool wuxuu ka koobnaa €90 milyan oo lacag go’an ah iyo €10 milyan oo gunnooyin ah, balse taasi kuma filna Leipzig oo wali ku adkaysanaysa inay sii haysato ciyaaryahanka.

Wararku waxay sheegayaan in Leipzig ay qiimaynayso Diomandé in ka badan €120 milyan, gaar ahaan kadib bandhigyada cajiibka ah ee uu ka sameeyay Koobka Adduunka 2026.

Qiimihiisa suuqa ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa.

Sidoo kale Leipzig waxay filaysaa in Paris Saint-Germain iyo kooxo kale oo waaweyn ay kusoo biiraan tartanka saxiixiisa, taasoo sii xoojinaysa mowqifkooda ah inaan la iibin ciyaaryahanka qiimo hoose.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga