Xulka Masar Iyo Belgium Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay Koobka Adduunka.

Waxaa barbaro 1-1 ku dhammaaday kulankii dhex maray xulalka Masar iyo Belgium, kaas oo la ciyaaray fiidnimadii Isniinta garoonka Lumen Field ee magaalada Seattle, kana tirsanaa wareegga koowaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026.

Xulka Masar ayaa hoggaanka ciyaarta qabtay daqiiqaddii 20-aad kadib markii Imaam Caashuur uu dhaliyay gool cajiib ah oo uu ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa, taas oo Faraaciinta siisay faa’iido hore.

Daqiiqaddii 66-aad ayay Belgium ku soo barbareysay ciyaarta kadib markii difaaca Masar, Maxamed Haany, si khalad ah kubadda ugu leexiyay shabaqiisa, taas oo keentay in natiijadu noqoto 1-1.

Kulankan waxa uu soo bandhigay ciyaar adag oo ay Masar si weyn ugu dhawaatay inay guul gaadho, balse Belgium ayaa dib ugu soo laabatay qaybtii labaad ee ciyaarta. Labada dhinacba waxay sameeyeen weerarro badan, halka goolhayeyaashuna ay muujiyeen bandhig wanaagsan.

Natiijadan ayaa ka dhigan in labada xul ay min hal dhibic ku bilaabaan socdaalkooda tartanka.

Masar ayaa kulankeeda xiga la ciyaari doonta xulka New Zealand maalinta Isniinta, 22-ka Juun, halka Belgium ay wajihi doonto xulka Iran maalinta Axadda, 21-ka Juun, kulamada wareegga labaad ee heerka guruubyada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga