Wakhtiga La Shaacin Doono Jadwalka Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub Oo La Shaaciyay.

Xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ee 2026/27 ayaa si rasmi ah u bilaaban doona Sabtida, August 22, 2026.

Taariikhdan ayaa hal toddobaad ka dambeysa xilli ciyaareedkii 2025/26, si ciyaartoydu u helaan waqti dheeraad ah oo ay uga soo kabtaan Koobka Adduunka.

Waxaa jiri doona 89 maalmood oo u dhexeeya dhammaadka xilli ciyaareedka 2025/26 iyo bilowga kan cusub, halka finalka Koobka Adduunka uu dhici doono July 19, 2026.

Goorma ayuu dhammaanayaa xilli ciyaareedka?

Premier League ayaa xaqiijisay in wareegga ugu dambeeya ee kulamada la ciyaari doono Axadda, May 30, 2027.

Dhammaan 10-ka kulan ayaa isku waqti bilaaban doona waxaana si toos ah loo baahin doonaa.

Taariikhdaas waxay toddobaad ka horreysaa finalka UEFA Champions League Final oo dhici doona June 5, 2027.

Goorma ayaa la shaacinayaa jadwalka?

Jadwalka rasmiga ah ee Premier League 2026/27 waxaa la shaacin doonaa Jimcaha, June 19 saacadda 11-ka wakhtiga somaliya

Jadwalka Christmas-ka

Xilli ciyaareedkan wuxuu ka koobnaan doonaa 33 Oo bilowga Todobaadkan ah iyo shan wareeg oo ah bartamaha Todobaadkan.

Premier League ayaa sheegtay in xilliga Christmas-ka iyo Sannadka Cusub aysan jiri doonin labo wareeg oo kulan ah oo isku jira wax ka yar 60 saacadood, si loo yareeyo ciriiriga jadwalka.

Kooxaha cusub ee Premier League

Coventry City oo uu hoggaamiyo Frank Lampard ayaa usoo dallacday Premier League kadib markii ay ku guuleysatay Championship.

Sidoo kale Ipswich Town ayaa si toos ah usoo baxday.

Kooxda saddexaad waxaa lagu go’aamin doonaa finalka play-off-ka ee u dhexeeya Hull City iyo Middlesbrough.

Dhanka kale, Burnley iyo Wolverhampton Wanderers ayaa loo laabiyay heerka hoose.

Suuqa kala iibsiga

Suuqa xagaaga wuxuu furmi doonaa June 15 wuxuuna xirmi doonaa September 1 saacadda 11-ka habeenimo waqtiga UK.

Suuqa january wuxuu furmi doonaa January 1, 2027 wuxuuna xirmi doonaa February 1, 2027.

Kooxaha England ee Champions League

Arsenal, Manchester City, Manchester United, Aston Villa iyo Liverpool ayaa xaqiijistay ka qaybgalka Champions League.

Bournemouth iyo Sunderland ayaa usoo baxay Europa League, halka Brighton & Hove Albion ay ciyaari doonto Conference League.

Crystal Palace sidoo kale waxay gaari kartaa Europa League haddii ay ku guuleysato finalka Conference League ee May 27.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga