Liverpool ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaray in aysan ceyrin tababare Arne Slot islamarkaana aysan beddelkiisa u magacaabin Andoni Iraola, kadib wada-hadallo gudaha ah oo ay yeesheen maamulka kooxda, sida uu sheegay warbixin lagu kalsoon yahay.
Barbardhacii 1-1 ahaa ee ay Liverpool la gashay Brentford garoonka Anfield maalintii Axadda ee Premier League ayaa u xaqiijiyay Liverpool booska shanaad iyo tikidhka ugu dambeeya ee tooska ah ee Champions League.
Taasi waxay soo afjartay xilli guud ahaan niyad-jab ahaa, maadaama Liverpool ay ku guuldareysatay inay difaacato horyaalkii Premier League ee ay ku qaaday xilligii 2024/25 xilligii ugu horreeyay ee Slot.
Waxaa sidoo kale jiray khilaafyo u dhexeeyay Slot iyo xiddiga reer Masar Mohamed Salah, kaasoo ay la socdaan halyeeyga Liverpool Andy Robertson kuwaasoo Ka Tagaya Kooxda dhamaadka bisha Dambe.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay in milkiilayaasha Liverpool ee FSG ay shaqada ka ceyrin karaan Slot haddii uusan kooxda gaarsiin Champions League.
Taageerayaal badan oo Liverpool ahna dhib kama qabaan haddii Slot hadda la eryo, inkastoo kooxda ay u soo baxday Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Tababaraha baxaya ee Bournemouth, Andoni Iraola, ayaa loo arkayay beddelka ugu macquulsan ee Slot.
Iraola ayaa si weyn loogu amaanay shaqadii cajiibka ahayd ee uu ka qabtay Bournemouth, waxaana la sheegay inuu doonayay inuu noqdo tababaraha cusub ee Liverpool.
Warbaahinta TEAMtalk ayaa sheegtay in Liverpool ay gudaha kaga doodeen suuragalnimada inay Iraola u dhaqaaqaan, balse hadda lama filayo inay wadahadallo rasmi ah la furaan tababaraha reer Spain.
FSG ayaa go’aansatay inay sii hayso Arne Slot, kaasoo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Liverpool kula guuleystay Premier League sanadkii hore.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in kaaliyihii Feyenoord ee Etienne Reijnen uu ku biiri doono shaqaalaha tababarka ee Slot xilli ciyaareedka dambe.
Waxaa la sheegay in Slot uu maamulka Liverpool ku qanciyay inay Reijnen ku soo daraan shaqaalaha kooxda.
Inkasta oo FSG ay sameyn doonto qiimeyn dhammaadka xilli ciyaareedka, haddana kooxda Slot waxay kalsooni ku qabaan inuu sii ahaan doono tababaraha Liverpool xilli ciyaareedka dambe.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Slot uu qadarinayo taageerada uu ka helay maamulka Liverpool xilli adag, balse uu sidoo kale ogyahay in xilli kale oo koob la’aan ah uu cadaadis weyn ka keeni doono taageerayaasha iyo maamulka kooxda.
Be the first to comment