Chelsea Iyo Liverpool Oo Ku Kala Baxay Bar-baro Niyad Jab Leh.

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah ciyaar ka dhacday garoonka Anfield, taasoo qeyb ka ahayd wareegga 36-aad ee horyaalka Premier League-ga Ingiriiska.

Liverpool ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay waxayna si degdeg ah hoggaanka u qabatay daqiiqaddii 6-aad, kadib markii Ryan Gravenberch uu ka faa’iideystay jahwareer ka dhacay daafaca Chelsea isla markaana kubadda shabaqa geliyay.

Chelsea ayaa barbaraha la timid daqiiqaddii 35-aad iyadoo Enzo Fernandez uu dhameystiray weerar si wanaagsan loo soo abaabulay, isagoo darbo guuleysatay ku hubsaday goolka, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-1.

Qeybtii labaad, Chelsea waxay moodday inay hoggaanka qabatay markii Cole Palmer uu dhaliyay gool labaad daqiiqaddii 49-aad, balse VAR ayaa diiday sabab la xiriirta offside.

Sidoo kale, gool uu Curtis Jones u dhaliyay Liverpool daqiiqaddii 58-aad ayaa isna la diiday isla sababta offside-ka.

Natiijadan ayaa ka dhigtay in Liverpool ay dhibcaheeda gaarsiiso 59 dhibcood, iyadoo si ku meel gaar ah ugu jirta kaalinta afaraad, halka Chelsea ay gaartay 49 dhibcood oo ay ku fadhido kaalinta sagaalaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga