Halyeygii Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay tahay kooxda ka fiican Arsenal ka hor final-ka UEFA Champions League.
Arsenal ayaa wajahaysa PSG final-ka Champions League ee ka dhacaya Budapest May 30.
Si kastaba, Carragher wuxuu aaminsan yahay in haddii Arsenal ku guuleysato Premier League, ay taasi siin doonto dhiirigelin weyn marka ay la ciyaarayaan kooxda horyaalka Faransiiska.
Carragher ayaa Metro u sheegay:“Waxaan u maleynayaa haddii ay [Arsenal] ku guuleysato [Premier League-ka], taas oo ay tahay inay sameeyaan marka la eego booska ay hadda ku jiraan, inay heli doonaan dhiirigelin weyn.”
“Waxay u baahan doonaan taas marka ay galayaan final-ka. Waxaan u maleynayaa inaan dhammaanteen ognahay in PSG tahay kooxda ka fiican, laakiin taasi micnaheedu ma aha in Arsenal aysan ku guuleysan karin hal kulan oo final ah.”
Be the first to comment