Alexander Isak ayaa diyaar u ah inuu kusoo laabto safka Liverpool kulanka weyn ee ay la ciyaarayaan Chelsea.
Weeraryahanka ayaa usbuucii hore seegay guuldarradii Manchester United sababo la xiriira dhaawac yar, laakiin tan iyo markaas wuu tababaranayay, waxaana hadda la filayaa inuu ku soo bilowdo Anfield.
Diyaargarowga Isak ayaa la micno noqon kara in Cody Gakpo loo wareejiyo garabka bidix, halka xiddiga reer Sweden uu qaban doono doorka weeraryahanka keliya ee safka hore.
Goolhayaha saddexaad ee kooxda, Freddie Woodman, ayaa waqti adag ku qaatay kulankii Manchester United, waxaana la filayay inuu markale beddel kusoo galo.
Si kastaba, Giorgi Mamardashvili ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay xulashada toddobaad ka hor waqtigii la filayay, kadib markii uu ka soo kabtay dhaawacii goynta ahaa ee kasoo gaaray kulankii Everton.
Dhanka kale, Alexander Isak ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto ciyaarta.
Meelo kale, Ibrahima Konate ayaa dib ugu soo laabtay kooxda kadib arrin shaqsiyeed oo uu maqnaa, halka Florian Wirtz uu ka bogsaday xanuun yar oo hayay, waxaana la filayaa inuu ciyaarta kusoo bilowdo.
Shaxda Ay Liverpool kaga Hor Tagi Karto Chelsea.
Mamardashvili; Jones, Van Dijk, Konate, Kerkez; Gravenberch, Szoboszlai; Frimpong, Wirtz, Gakpo; Isak
Be the first to comment