Kabtankii hore ee Arsenal, Thierry Henry, ayaa sheegay in hanashada horyaalka Premier League aysan hadda ku jirin gacanta Manchester City.
Henry wuxuu hadalkan ka jeediyay barnaamijka Monday Night Football, kadib markii City ay barbaro 3-3 ah la gashay Everton.
Natiijadan waxay ka dhigan tahay in kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ay shan dhibcood ka dambeyso Arsenal, inkasta oo ay hal kulan ka dhiman yahay.
Sida uu sheegay Henry, Arsenal ayaa hadda leh faa’iidada marxaladda ugu dambeysa ee tartanka.
Wuxuu yiri:“Hadda waxay ku soo noqotay gacanta Arsenal. Mar dambe kuma jirto gacanta Man City”
“Bilowgii barnaamijka waxaan sheegay inaan filayo City inay dhibco lumiso kulanka Everton, sidoo kale waxaan ka walaacsanahay kulanka West Ham”
“Markaa waan iska degganaanayaa, mana dabaaldegayo goor hore sababtoo ah wax walba wali ma dhammaan. Laakiin waan filayay arrintan inay dhacdo”
“Waxaan arkay xoogaa walbahaar ah oo ka muuqda City sababtoo ah way burbureen. Iyaga ayaa Everton ku soo celiyay ciyaarta khaladaad ay sameeyeen awgood. Ciyaartu waxay noqotay mid waali ah”
“Arsenal way arki kartaa in Man City ay lumisay laba dhibcood, laakiin waa inaysan bilaabin fikirka ah ‘hadda laga yaabee…’ Maya, ‘laga yaabee’ ma jiro.
“Guuleysta kulamadiinna. Ha eegin City. Wax walba waxay ku jiraan gacantiinna.”
Be the first to comment