Guti Oo Real Madrid U Tilmaamay Tababaraha Badali Kara Alvaro Arbeloa

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid, Guti, ayaa ku booriyay kooxda Los Blancos inaysan magacaabin Jose Mourinho inuu noqdo tababaraha xiga si uu u beddelo Alvaro Arbeloa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Arbeloa ayaa la filayaa inuu ka tago shaqadiisa marka xilli ciyaareedku dhammaado, iyadoo Real Madrid ay u muuqato inay dhammeysan doonto xilli ciyaareedka iyada oo aan wax koob ah qaadin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira warar sheegaya in Mourinho laga yaabo in la keeno si uu u beddelo Arbeloa.

Isagoo ka hadlayay arrintan, Guti wuxuu ku adkaystay in Mourinho uu ka gudbay waqtigii ugu fiicnaa ee tababarnimo, isagoo intaas ku daray in ay jiraan tababarayaal kale oo hadda ka wanaagsan oo Madrid ay magacaabi karto halkii ay ka dooran lahayd tababaraha reer Portugal.

Wuxuu yiri sida uu qoray GOAL:“Mourinho waa tababare weyn, laakiin waxaan u maleynayaa in waqtigiisii ugu fiicnaa uusan ahayn hadda”

Marka loo eego inuu ka yimid Fenerbahce, iyo sida uu ula kulmay waqti adag markii uu joogay Benfica, waxaan aaminsanahay inay jiraan tababarayaal hadda ka xaalad wanaagsan Mourinho oo aan dooran lahaa.”

Mourinho ayaa hore u tababaray Real Madrid intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2013.

Wuxuu kula guuleystay kooxda horyaalka La Liga, balse kuma guuleysan UEFA Champions League intii uu joogay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga