Madaxweynihii hore ee Barcelona, Joan Laporta, ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay diyaar u ahaayeen inay bixiyaan €250 milyan si ay ula wareegaan Lamine Yamal.
Laporta oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka buuggiisa cusub maalintii Talaadada, ayaa sheegay in dad badan u maleeyeen inay waalan yihiin markii ay diideen dalabkaas.
Yamal ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah, kaddib markii uu si weyn uga dhex muuqday xilli ciyaareedkii 2023/2024.
Waqtigaas, PSG waxay raadineysay ciyaaryahan beddela Kylian Mbappe oo ku biiray Real Madrid isagoo xor ah (free agent).
Haddii Barcelona aqbali lahayd dalabka €250 milyan ee Yamal oo markaas 17 jir ahaa, waxay ka badnaan lahayd rikoodhkii adduunka ee €222 milyan oo PSG ku soo iibsatay Neymar sanadkii 2017.
“Markii PSG ay noo soo bandhigtay €250 milyan oo Lamine Yamal ah, annaguna aan diidnay, isagoo 17 jir ah; qaar badan ayaa u maleeyay inaan waalanahay,” ayuu yiri Laporta.
Be the first to comment