Weeraryahankii hore ee England, Emile Heskey, ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo uu u arko inay beddeli karaan halyeeyga Mohamed Salah, waxaana ka mid ah xiddigii hore ee Chelsea ee lagu tilmaamay inuu ku fashilmay Stamford Bridge, Christian Pulisic.
Salah, oo 33 jir ah, ayaa la filayaa inuu ka tago Anfield xagaagan, kadib xilli ciyaareedkiisii ugu wax-soo-saarka yaraa intii uu joogay Liverpool.
Xiddiga reer Masar ayaa dhaliyay 25 gool ama ka badan toddobo ka mid ah siddeeddii xilli ciyaareed ee uu ku qaatay Merseyside, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn taariikhda Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkan Salah wuxuu aad uga hooseeyaa heerkiisii caadiga ahaa, isagoo illaa hadda dhaliyay kaliya toddobo gool, taasoo ka dhigaysa inuu aad uga fogaan doono tiradii uu hore u gaari jiray.
Salah ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo Liverpool ka hor suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, kadib wareysi kulul oo uu ku dhaliilay kooxda iyo tababare Arne Slot.
Kooxo ka dhisan Sacuudi Carabiya ayaa muujiyay xiisahooda ku aaddan heshiis, balse Liverpool waxay go’aansatay inay ka gudubto khilaafkaas oo ay Salah sii haysato kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, bixitaan xagaaga ah ayaa u muuqda mid aan laga baaqsan karin, maadaama Salah uu noqday xubin sii luminaysa muhiimaddiisa gudaha kooxda Slot. Arrintan waxaa muujisay markii la beddelay kulankii Axaddii ee ay Liverpool guusha daqiiqadihii dambe kaga gaartay Nottingham Forest.
Iyadoo Mohamed Salah weli si joogto ah loola xiriirinayo inuu ka tagayo Anfield, weeraryahankii hore ee Liverpool, Emile Heskey, ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo uu u arko inay beddeli karaan mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican jiilkiisa.
Heskey wuxuu rumeysan yahay in Liverpool ay u baahan doonto ciyaaryahan awood u leh inuu buuxiyo booska iyo saameynta weyn ee Salah, maadaama xiddiga reer Masar uu ahaa laf-dhabarta weerarka kooxda sanado badan.
Heskey ayaa sheegay in doorashadiisa koowaad ee beddelka Mohamed Salah ay tahay xiddiga Paris Saint-Germain, Khvicha Kvaratskhelia.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay Jarrod Bowen oo ka tirsan West Ham United inuu yahay ciyaaryahan kale oo buuxin kara booska uu ka tagayo Salah haddii uu baxo.
Heskey ayaa intaas ku daray in Christian Pulisic isna qaban karo doorkaasi, maadaama uu “jeclaan lahaa” inuu caddeeyo in waqtigii niyad-jabka lahaa ee uu ku qaatay Chelsea uu ahaa “kaliya hoos u dhac ku meel gaar ah.”
Chelsea ayaa £58 milyan ku soo iibsatay Pulisic sanadkii 2019 iyagoo kala soo wareegay Borussia Dortmund, balse afar sano kadib waxay ku iibiyeen kaliya £20 milyan, taasoo muujisay hoos u dhac weyn oo qiimihiisa ah.
Hesky oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan ka hadlaynaa beddelka Mohamed Salah, waxaana u maleynayaa in taageerayaashu ay tahay inay eegaan wax ka duwan, sababtoo ah ma beddeli kartid Mo Salah si toos ah.”
Wuxuu sii raaciyay:“Waxaan xasuustaa hal xilli ciyaareed oo qof ii sheegay in Mo uu yeeshay xilli ciyaareed xun. Wuxuu dhaliyay 25 gool! Aniga waxaan jeclaan lahaa inaan yeesho xilli ciyaareed ‘xun’ oo sidaas ah”
“Waxaan ka hadlaynaa ciyaaryahan dhaliya 20 gool iyo ka badan — mararka qaar ku dhowaad 30 gool — xilli ciyaareed kasta muddo 10 sano ah.”
Hadalka Heskey wuxuu muujinayaa sida ay u adkaan doonto in si dhab ah loo helo ciyaaryahan si buuxda u beddeli kara saameynta iyo joogtaynta Salah ee heerka sare
“Uma maleynayo in aad si dhab ah u beddeli karto Mohamed Salah, balse waan jeclahay wiilka ka tirsan Paris Saint-Germain, Khvicha Kvaratskhelia. Isaga ayuu noqon lahaa doorashadayda koowaad.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ma Jarrod Bowen ayaa ka hooseeya Salah? Waxaan u maleynayaa in ciyaartoy badan ay ka hooseeyaan marka lala barbar dhigo Salah, laakiin si daacad ah Bowen waa nooc ciyaaryahan ka duwan. Wuxuu laga yaabaa inuu qaab-ciyaareedka kooxda caawiyo sababtoo ah wuu ka shaqo badan yahay Mo.”
Hadalka Heskey wuxuu muujinayaa in inkastoo Salah aan si toos ah loo beddeli karin, haddana ciyaartoy kala duwan oo leh astaamo gaar ah ay keeni karaan saameyn cusub oo qaab-ciyaareed.
Be the first to comment