Gary Neville Oo Hal Shardi Ku Xidhay Ku Guulaysiga Arsenal Ee Premier League.

Kabtankii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in Arsenal ay qasab ku tahay inay ku garaacdo Manchester City garoonka Etihad haddii ay rabto inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.

Neville ayaa falcelin ka bixiyay guushii 4-1 ee Arsenal ka gaartay Tottenham Hotspur Axaddii, taasoo dib ugu soo celisay shan dhibcood oo hoggaan ah oo ay ku qabaan horyaalka.

Si kastaba, wiilasha uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa hal kulan ka badan ciyaaray Manchester City.

Arsenal ayaa la ciyaari doonta Manchester City finalka Carabao Cup 22-ka Maarso, ka hor inta aysan mar kale isku arkin horyaalka 18-ka Abriil.

Neville ayaa ka sheegay Sky Sports:
“Sanado badan ayaan u maleynayay marka Arsenal ay u tartamayso horyaalka in ay khasab tahay inay ku garaacaan Etihad. Taasi waa waddada kaliya ee dhabta ah.

“Final-ka Carabao Cup-ka waa fursad lagu diro fariin, sababtoo ah si toos ah ayaad ula ciyaareysaa, waxaadna ku abuuri kartaa xanuun dhab ah adigoo ka qaadaya bilad qoortooda ka laalaada. Laakiin waxa ugu weyn ee aad sameyn karto waa inaad ku garaacdo garoonkooda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga